Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo xigayna dagaal toos ah ku qaaday shalay degmada galcad

Alshabaab iyo ciidanka dowlada


 Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada galcad ee gobolka galgaduud wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada galcad sida ay sheegayaan goobjoogayaal

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada alshabaab wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan ku billowday weerarka qaraxyada uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana aad u adag in la ogaado tirada rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u xun

Waxaa lasoo sheegaya in meelo kamid ah Galcad laga maqlayey rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo maamulka galmudug oo la xiriira weerarkan

Weerarka shalay ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka galgaduud ayna ka sii qabsanayaan deegano hor leh alshabaab ayaa 5tii bilood ee la soo dhaafay wajahayaan dagaal adag oo kaga imaanayo dadka deegaanka iyo ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka 

Post a Comment

0 Comments