Ciyaar aad iyo aad natiijadiisa loo wada sugaayay ayaa maanta dhexmari doona ronaldo iyo messi oo labada ciyaartooy ee ku caan baxay xifaaltanka

Ronaldo iyo messi

 Waxaa si weyn loo sugayaa natiijada kasoo bixi doonta ciyaar si fool-ka-fool ah maanta u dhex mari doonta messi iyo cristiano ronaldo oo ah labada ciyaartooy ee ku caan baxay xifaaltanka ugu weyn ee dhinaca Kubbadda Cagta kooxda ka dhisan horyaalka faransiiska paris saint germain oo uu ka tirsan yahay messi ayaa booqatay sacuudiga waxaana magaalada riyad ay kula ciyaari doontaa kooxda sacuudi all-star oo wadata ronaldo all-star ayaa ka kooban ciyaaryahano lasoo xushay oo ka ciyaara gudaha sacuudiga

Waa ciyaar saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan maadaama ay isku faro saari doonaan labada laacib ee lagu tilmaamo in ay ka mid yihiin kuwii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda kubbadda cagta ronaldo ayaa buug cusub ka furtay taariikhda ka dib markii uu ku biiray kooxda Al Nassr ee garoonkeedu ku yaallo magaalada riyaad waxay ciyaartan kusoo aaday xilli maalmihii lasoo dhaafay si aad ah loo hadal hayay warar sheegaya in messi qudhiisa ay la wareegi doonto kooxda al-hilal oo ay wada xifaaltamaan al nassr

Horyaalka dalka spain ee laliga oo keliya ayey u suurtagashay in ay hal mar ka wada ciyaaraan labada ciyaaryahan ee loogu jecel yahay caalamka balse waxay u muuqataa in horyaal kale uu si lama filaan ah ku heli karo fursadaas haddii ay dhab noqoto hadal-heynta oo uu messi u jiheysto dhinaca sacuudiga messi ayaa loo ballan qaaday mushaar kasii badan kan uu ku qancay ronaldo isagoo heli doona lacag dhan $300 milyan oo dolar

Bishii Lasoo dhaafay waxa uu laacibkan u dhashay dalka argentina ku guuleystay tartankii koobka adduunka ee lagu qabtay waddanka qadar tan iyo sanadkii 2011 kooxda PSG waxaa leh maalgashadeyaal u dhashay waddanka qadar oo lala xiriiriyay qoyska boqortooyada ee dalkaas lacagta ay kooxda faransiiska ka dhisan ka heshay dhinacaas ayaa u suurtagelisay in ay soo iibsato qaar ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn caalamka sida lionel messi, kylian mbappe iyo neymar

Ronaldo ayaa xiddigaha PSG wajihi doona isagoo qeyb ka ah ciyaartoyda saudi all-star XI taasoo ku suurtagashay go’aankiisii uu qandaraas hal sano iyo bar ah ugu saxiixay kooxda al nassr isagoo sanadkiiba qaadan doona mushaar dhan $200 oo milyan oo doolar dadka xiiseynaya in ay daawadaan hardanka dhex mari doona ronaldo iyo messi ayaa kharash aad u badan ku bixinaya tigidhada ay ku galayaan garoonka ay ka dhaceyso ciyaarta

Qof ka mid ah taageerayaasha kubbadda cagta ee daneynaya kulankan taariikhiga ah ayaa lacag dhan $2.6 milyan oo doolar ku iibsaday tigidh garoonka lagu geli karo oo la xaraashayay arrintan ayaa muujineysa saameynta sii kordheysa ee ay dalalka bariga dhexe ku yeelanayaan dunida kubbadda cagta iyadoo hadda laga soo jeedsanayo dhinaca yurub iyo latin america

Warshadaha waaweyn ee gaaska iyo saliidda ayaa waddamada sacuudiga, qadar, imaaraadka carabta iyo baxreyn u suurtageliyay in ay yeeshaan awood dhaqaale oo ay ku maalgashadaan heerka ugu sarreeya ee ciyaaraha adduunka balse kama aysan badbaadin dhaleeceyn loo jeedinayo tallaabooyinkooda lama filaanka ah

Tusaale ahaan qadar ayaa dhaleeceyn aad u weyn loogu jeediyay sida ay u maareysay martigelintii tartanka ciyaaraha koobka adduunka ee ka dhacay 2022, gaar ahaan sida ay u wajahday xuquuqda shaqaalaha iyo dadka isku jinsiga ah ee xiriirka sameeya

Post a Comment

0 Comments