Hotel Adeegiisa Bilaa Lacag Uga Dhigay Dadka Buurbuuran Asigoo Xayeesiin U Sameenayo

Dhacdooyinka caalamka

 Dhacdo ka mid noqotay arrimaha layaabka aduunka ayaa maamulka hudheel ku yaala dalka Shiinaha ku kacay dhawaan taas oo la xidhiidha adeeg bilaa lacag ah oo uu macaamiisha qaarkood u fidin doono hudheelkaas gaar ahaan kuwa buuxiya shuruudo aad laga wada yaabay oo ku xidhan inuu qofku rag iyo dumar helo adeegaas bilaashka ah

Sida inta badan warbaahinta dalka shiinuhu ku warantay hudheel ku yaala dalkaas oo lagu magacaabo Nahoun Restaurant ayaa xayaysiis cusub oo uu dhawaan warbaahinta ku baahiyay adeegyada bilaashka ah ku soo daray cunto iyo adeeg dheeraad ah oo loo fidin doono raga aadka u buur buuran, ee miisaankoodu boqol iyo afartan kilo gaadho waxa kale oo adeegan lacag la’aanta ah heli doona haweenka dhuudhuuban ee miisaankoodu shan iyo sodon ka kilo iyo wixii ka hooseeya yahay 

Sida xayaysiiskaasi dhigayo, lab iyo dhedig mid kasta oo Shuruudahan buuxiya waxa isaga iyo dadka la socda la siin doonaa adeeg cunto iyo mid sharaab oo bilaash ah si qofku u xaqiijiyo inuu buuxin karo shuruudaas waa inuu isku qiyaaso miisaan albaabka laga galo hudheelkaas ku yaala kaas oo marka uu ku ogaado miisaankiisu inuu gaadhsiisan yahay qiyaasta la doonayo uu ku bushaaraysto adeegyo bilaa lacag ah

In kasta oo aad dadka badankoodu ula yaabeen xayaysiiska hudheelkan haddana waxa suura gal ah, in dad buuxiya shuruudahaas laga heli karo dalka shiinaha oo isagu ah kan dadka ugu tiradda badan dunidu ku nool yihiin sida ay ku warantay jariirad ka soo baxda dalkaasi mulkiilaha hudheelkan ayaa sababta uu go’aankan u qaatay, ku tilmaamay mid uu macaamiishiisa ku dhiiri galinayo kuna doonayo sidii ay fursad ugu heli lahaayeen tartan dhiiri galin iyo jirabaad isugu jira

Post a Comment

0 Comments