Wasaaradda caafimaadka somaliya oo ka digtay halista caafimaad ee labo sharoobo oo sun laga helay

Digniin Caafimaad


 Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan qaybteeda maareynta daawada ayaa digniin culus kasoo saartay waxyeelada laba daawo oo sharoobo ah oo kala ah MBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup kuwwaas oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT LTD oo laga leeyahay India

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan Sharoobooyinkaasi oo ah kuwa halis ah isla-markaana loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca neefmareenka waxayna mamnuucaday in dalka lasoo geliyo sidoo kalena dhaqaatiirta somaliyeed ay u qoraan bukaanadaooda sidoo kale wasaaradda ayaa amartay ganacsatada somaliyeed inay joojiyaan ka ganacsiga sharoobooyinkan ee haatan isticmaalkooda laga digay

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) iyo hay’adda maareynta daawada ee dalka oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska jirka ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ma xaqiijin karto in dawooyinkaas dalka yaalaan laakiin ayadoo laga duulayo masuuliyada wasaaradda kasaarab ilaalinta badqabka caafimaad ee muwaadiniinta dadkeena  waxay ogeysiinaysaa qodobada hoose

  1. In Dhammaan dhaqaatiirta soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda
  2. In ganacsatada soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay dalka india
  3. Waxaa sidoo kale lagu baraarujinayaa shacabka soomaaliyeed inay ka taxadaraan dawooyinkaas oo qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda

Fadlan Fariintaa la wadaag oo gaarsii bulshada inteeda kale si’aan u hubino badqabka dadkeena

Post a Comment

0 Comments