Kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab oo Muqdisho laga dhigayo iyo Abaabul Xoogan oo socda

Kacdoon Shacab

 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iclaamisay kacdoon ka dhan ah kooxda alshabaab oo haatan ka bilaabanaya magaalada muqdisho, si looga hortago kooxdaan, loona taageero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka maamulka gobolka banaadir oo qorshahan horkacaya ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono dibad-bax ballaaran oo la’isugu keenayo reer muqdisho si ay qayb uga noqdaan kacdoonka uu ku dhawaaqay madaxweyne xasan sheekh ee hadda socdo gobollada dalka

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka banaadir maxamed axmed diiriye (Yabooh) oo ka hadlay abaabulka socdo ee dibad-baxa ayaa sheegay inay ka qayb qaadaan dhamaan qaybaha bulshada iyo sidoo kale hay’adaha dowladda federaalka shirweyne intaan ka ballaaran oo aan isugu keeneyno gobolka oo dhan dadka ku dhaqan qaybihiisa kala duwan culuma-udiinkii, odayaashii, haweenkii dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda somaliya ay ka kooban tahay ayaan qaban doonaa maalmaha soo socda 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in meel looga soo wada jeesto kooxda AlShabaab oo haatan culeys xoogan kala kulamaya howlgallada gobollada yabooh ayaa carabka ku goday inay dhaqan-gelin doonaan go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa in la dardargeliyo dagaalka haatan lagula jiro kooxda alshabaab waxaa lagu iclmaamin doonaa oo looga hortegayaa kacdoonkii uu madaxweynaha ku dhawaaqay oo ahaa khawaarijta meel kasta oo ay joogaan in lagula dagaalo sidii looga hortagi lahaa kacdoona loogu sameyn lahaa ayuu sii raaciyay

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda soomaaliya mudane axmed macallin fiqi ayaa isna ka hadlay dibad-baxaan la abaabulayo, wuxuuna sheegay in la qabanyo maalinta beri ah isla-markaana uu muqdisho ka bilaabayo kacdoonka ka dhan ah shabaab daahfurka kacdoonka muqdisho iyo khamiista arimahaan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guullo kasoo hoyeen dagaallada ka socdo inta badan gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments