Duuliyihii ugu dambeeyay ee diyaaradii Somali Airline oo ku geeriyooday Magaalada Kampala

Dhacdooyinka caalamka


 Waxaa jimcihii lasoo dhaafay magaalada kampala ee dalka uganda ku geeriyooday Kabtan Jaamac Ofle oo ahaa duuliye taariikhda galay isagoo noqday kabtankii ugu dambeeyay ee duulimaadkii caalamiga ahaa ee somali airlines sanadkii 1991-kii wasiirkii hore ee arrimaha dibadda abdusalam omer oo ay saaxiib dhow ahaayeen kabtanka geeriyooday ayaa bartiisa twitter-ka ku xaqiijiyay geerida ofle

Kabtan jamac ofle waxa uu ka duuliyay muqdisho horraantii 1991-dii duulimaadkii ugu dambeeyay ee Somali Airline ku tagtay illaa frankfurt markaasoo uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya captain ofle waxa ay shaqaalihii iyo rakaabkii diyaaradda ku xasuustaan inuu si geesinimo leh u gutay waajibaadkiisa shaqo isaga oo hubinayey badqabka dhammaan rakaabka diyaaradda


Diyaarada somali airline oo mar ahaan jirtay astaanta isku xirka ganacsiga caalamiga ah ee soomaaliya iyo caalamka ayaa u adkeysan weyday saameynta dagaaladii sokeeye iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirtay waxaana ugu dambeyntii lagu qasbay in ay joojiso duulimaadyadii ay sameyn jirtay sanadkii 1991-kii duulimaadyada iyo kaabayaasha dhaqaale ee shirkadda ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday kooxihii kala duwanaa ee isku hayay talada dalka 

Ku dhawaad sanad kadib burburkii somali airlines diyaaradii ayaa lagu keydiyay garoonka diyaaradaha ee frankfurt rhein-main int'l airport duulimaadkii ugu dambeeyay ka dib captain ofle waxa uu u guuray ottawa isaga iyo qoyskiisa halkaas oo uu ugu dambeyntii noqday muwaadin canadian ah

Captain ofle waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid ah oo soomaali ah oo lagu tababaro akademiyada tababarka duulista hawada ee jarmalka ee lufthansa bartamihii 1960-yadii

Post a Comment

0 Comments