Al shabaab oo Laga Xiray 250 Akoon iyo dad Lacago u waday oo la qabtay

Alshabaab iyo dowlada

 Wasiir ku-xigeenka warfaafinta soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo barbar taagan yihiin wasiirka maaliyada iyo wasiiru-dowlaha amniga ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho kaasi oo ugu warbixiyay halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee alshabaab ka dhanka ah wasiir al-cadaala ayaa sheegay in natiijo fiican laga gaaray dagaalka dhaqaale ee dowladda kula jirto alshabaab lana xayiray 250 akoon iyo 70 lambar oo kooxda u adeegsan jirtay ku baadista shacabka

In ka badan 3kun oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiriiray dowladda (lambaradii hore loo baahiyay) kuwaasi oo usoo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha khawaarijta ay sida xooga ah uga aruursaneysay dadka somaliyeed natiijada horudhaca ah waxay suurta-galisay in la xayiro 250 akoon waxa sidoo kale macluumaadka ka yimid dadka somaliyeed uu suurta-galiyay in la xanibo 70 Telefoon oo ah kuwa loo arkayay in khawaarijta ay u isticmaaleysay lacagaha sharci darada ah ee ka boobto dadka

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu socdo kala shaandheynta macluumaadka ay usoo gudbiyeen dadweynaha somaliyeed kadibna ay marsiin doonaan nidaamka loogu tala-galay in lagu qaado tallaabooyinka sharciga ogol yahay dowladda somaliya waxay markale u mahad-celinaysa shacabka somaliyeed waxayna weydiisaneysa inay sii wadaan la shaqeynta ay la-shaqeynayaan hay’adaha iyaga oo macluumaadkooda kusoo diraya telefoonadii hore loola wadaagay

Dowladda federaalka ah ee somaliya ayaa 23-kii bishii october ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka dowlada ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka somaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan haddii ay arkaan dhaqaale shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan nooca uu doono ha ahaade

Post a Comment

0 Comments