Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa ku dilay 50 xubnood oo ka tirsanaa alshabaab

Ciidanka DF iyo Alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen duleedka degmada balcad kaas oo lagu beegsaday kooxda alshabaab howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada dhagaxow oo hoostagta deegaanka xawaadlay ee gobalka shabeelaha dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen alshabaab

Sidoo kale waxaa howlgalkan barbar socday duqeyn lala bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen xoogaga hubeysan Al-Shabaab oo ku taallo halka loo yaqaano dhul beereedka sheekh qaasim oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen alshabaab dowladda somaliya oo ka hadashay howlgalkan ka dhacay agagaarka deegaanka xawaadley ayaa shaacisay in lagu dilay illaa 50 xubnood oo ka tirsanaa alshabaab 

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa sheegtay in howlgalkan lagu soo furtay gaadiid dagaal oo ay horay u qaateen alshabaab kuwaas oo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qoriga zuu-ga waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay kooxdu laheyd sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda federaalka Somaliya

Dhankeeda dowladda waxa ay shaacisay in laga dilay hal askari sidoo kalena laga dhaawacay saddex kale sida lagu sheegay qoraalka dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda alshabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan waxana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ee maamulka hirshabelle

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar lagu hoobtay oo ismiidaaminku billowday ee ay alshabaab ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka xawaadley ee gobolka shabeelaha dhexe kaas oo lagu dilay saraakiil ciidan iyo askar fara badan si kastaba dagaalyahanada alshabaab ayaa intooda lagu jebiyay dagaalladii ka dhacay hirshabelle waxaana laga saaray dhul ballaaran oo ku yaallo hiiraan iyo sh/ dhexe

Post a Comment

0 Comments