DF oo shaacisay tirada Shabaabka lagu dilay howl-gal ka socda Xawaadley

Alshabab iyo ciidanka dowladda


 Dowladda federaalka soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal culus uu ka socda deegaanka xawaadley iy nawaaxigeeda kaasi oo ay wadajir u fulinayaan ciidammada xoogga dalka soomaaliyeed kuwa sirdoonka qaranka NISA, ciidammada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galkan oo illaa hadda socda lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Howl-galkan ayaa si gaar ah uga socda beerta Sheekh Qaasim tuullada dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka xawaadleey ee gobolka shabeelada dhexe qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in howl-galkan ka socda deegaanka xaawaadley ee gobolka shabeellaha dhexe lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay dowladda

Weerar ku billowday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa aroornimadii shalay dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna 20 km u jira degmada balcad ee shabeellaha dhexe

Post a Comment

0 Comments