Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku dishay Taliyihii Guutada 3-aad iyo askar ku sugnaayeen xerada la weeraray

Alshabaab iyo dowlada

 Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka xawaadley ee gobolka shabeelaha dhexe ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in illaa saddex qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarax ay alshabaab ku weerareen saldhiggaasi

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal foolka fool ah kaas oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada balcad

Saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa kamid ah taliyihii guutada 3-aad, qaybta 27-aad ee milatariga Soomaaliya korneel abshir maxamuud maxamed oo saldhigga maamulayay iyo askar kale oo ku sugneyd xeradaas dhinaca kale war kasoo baxay kooxda al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga ayna qabsadeen hub iyo gaadiid

Post a Comment

0 Comments