Xubno Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogeyaal oo lagu qabtay Ceeldheer

AlShabaab iyo ciidanka dowladda

  Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda alshabaab oo dhawaan degmadaas laga xoreeyey sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ragga lasoo qabtay waxaa ku jira horjoogayaal waxaana magacyadooda lagu kala sheegay

1- Cabdirashiid macalin cali (durdurshe), 2- cabdi gaanyaco 3- iyo mascuud cali lugey wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga galmudug Cabdullaahi Calasow oo faahfaahin ka bixiyey howlgallo miino baaris ah oo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degmada ceeldheer ayaa sheegay inay si nabad ah u soo saareen 8-miino maanta ilaa maalintii aan magaaladaan cadowga ka xoreynay waxaan ka wadnay baaritaan

Waxaan ka soo saarnay 8 qarax oo nooca miinada ah ayuu yiri wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga galmudug sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo kormeereen qoysaskii ka barakacay magaalada isla markaana ay ku war-geliyeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda maadaama magaalada laga nadiifiyey qaraxyadii 

Dadka ka soo jeeda degmadaan ceeldheer waxaan ugu baaqayaa inay u soo gurmadaan dadkooda oo mudo dheer ay dhibaateyneysay Khawaarijta alshabaab ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiiru-dowlaha wasaarada amniga galmudug ayaa madaxweynaha galmudug ka codsaday in shacabka magaalada ceeldheer ay soo gaarto gacanta galmudug ay uga baahan yihiin maadaama magaalada laga saaray shabaabkii heystay sanadaha badan


Post a Comment

0 Comments