Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada beledweyne ee gobolka hiiraan

Alshabaab


  Wararka aan ka heleyno magaalada beledweyne ee gobolka hiiraan waxay sheegayaan in xalay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday xaafado ka tirsan magaalada xaafadaha ayaa kala ah Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka nuur-xawaad ayaa la sheegay in xalay madaafiicda ugu badan ay alshabaab ku garaaceen waxaana lasoo weriyey in dhaawacyo ay ka dhasheen madaafiicdaas

Sidoo kale qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee isla magaalada beledweyne ayey xalay hoobiyeyaashaani ku soo dhaceen waxayna magaaladu gashay xaalad kala carar ah weerarkaan kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo xalay ka socda beledweyne kuwaas oo lagu baacsanayo raggii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin alshabaab

Inkastoo dadka reer beledweyne iyo guud ahaan gobolka hiiraan ay si adag isaga difaaceen kooxda alshabaab oo dagaal qaraar ay la galeen hadana Al-Shabaab waxay weerarro ka geystaan deegaano aad ugu dhow magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan dhinaca galbeed ee magaalada ayey deegaano badan ka joogaan alshabaab waxayna geystaan weeraro iyo afduub ay ku ugaarsadaan beelaha go’aansaday inay si dhab ah isaga dhiciyaan kooxda

Beesha xawaadle oo ah beesha ugu balaaran beelaha dega gobolka hiiraan ayaa toos ula dagaashay kooxda alshabaab waxaana beeshaas u suurtay gashay in dhamaan dhulka ay degto ay ka xoreysato alshabaab go’aanka beesha xawaadle wuxuu caro badan ku abuuray alshabaab waxayna kooxdu joogto u ugaarsataa qof kasta oo ka soo jeeda beesha

Waxaana xusid mudan in dad u dhashay beesha xawaadle ay u afduuban yihiin  alshabaab kuwaas oo lagu haayo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada beledweyne inkastoo la sheego in 95% dhulka hirshabeelle laga saaray alshabaab hadana dhul u badan miyi oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga shabeelle ee gobollada hiiraan iyo sh/dhexe ee hirshabeelle ayey weli ku dhuumaaleystaan alshabaab

Post a Comment

0 Comments