Afhayeenka alshabaab cali dheere oo digniin culus u dirtay bangiyada iyo shirkaddaha ganasiga ee soomaalida

 

Afhayeenka Alshabaab

Afhayeenka khawaarijta alshabaab cali maxamuud raage (Cali dheere) ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in aysan bangiyada lacagaha ee ay leeyihiin ganacsatada soomaaliyeed ay xogta u dusiyaan sirdoonka dawlada shisheeye ee degan xerada xalane muuqaal uu iska soo duubay una muuqaday mid u eg calaacalkii ugu dambeeyey ayey baraha bulshada soo galsheen dadka taageera khawaarijta gabalkoodu dhacay ee alshabaab

Hadlka calaacalka ah ee cali dheere waxa uu ku soo aadayaa xilli ay dhaqaale xumidii ugu xumayd soo wajahday Al-Shabaab maadama ay dawladu ka xayirtay dhamaan akoonadii ay dadka sooomaaliyeed uga uruursan jireen lacagaha baadda ah dadka faaqida arimaha alshabaab waxa ay sheegayaan in ay ku sugan yihiin xaalad dhaqaale xumo oo soo wajahda abid tii ugu darnayd ayna isku dayayaan waddo kasta oo ay is leeyihiin waxaad ku heli kartaan dhaqaale aad ku dhibaataysaan ummadda soomaaliyeed

Dagaalka lagula jiro alshabaab keliya ma dhimin awooddoodii ciidan ee waxaa uu banaanka soo dhigay liidnaantooda iyo waxa ay yihiin xaqqiiqo ahaan balse waxaa taa uga sii darran mooral la'aanta iyo kala aamin baxa ka dhex abuurmay oo xoogaystay maadama ay loolanka ugu xooggan ay wateen rag faa'ido doon ah balse aan aaminsanayn jihaadka gacan ku rimiska ah ee ay dhallinyarada ku marin habaabiyaan

Waxa ayna maantay dhexdoodu kala qaateen dhowr mawqif oo kala duwan iyo aragtiyo aan is qaban karin kuna sii socon karin maadaama uu fashilmay mashruucii 15ta sanno lagu xalaalaysanayey hantida iyo maalka ummadda soomaaliyeed madaxda mayalka adag ee hoggaamisa kooxdan ku soo caano maashay dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed waxa ay haatan dani bidday inay hawdka dhexdiisa dhaawacoodu ku qurmo iyada oo ay dul heehaabayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidanka xoogga dalka ka taageeraya dhanka cirka

Alshabaab waxa ay ku jiraan rafashadii ugu dambaysay wasiir ku xigeenka warfaafinta soomaaliya cabdiraxmaan Al-caddaala ayaa yiri khawaarijtu waxa ay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay waxa aan si rasmi ah uga xirnay akoonadii ay ku lahaayeen bangiyada iyo ciwaannada ay ku marin habaabin jireen ummadda somaliyeed sidaasi awgeed waa inaysan waxba ku darsan kooxdaan gabalkoodu sii dhacayo ayna ogaadaan in cidkasta oo lagu helo inay lacag u dirtay ama si kale wax ugu fududaysay sharciga la hor keenni doono sida ugu macquulsan lana marin doonno waxa uu mudan yahay

Ugu dambeyn soomaaliya waxaa martay deegaanno badan oo ka mid ah neecawda xorriyadda iyo nolol wanaagga oo ka maqnaa muddadii ay cadaw xoogga ku maquuninayeen waxa ayna dadku aad ugu faraxsan yihiin xorriyadda aan la quuri karin ee ay heleen


Post a Comment

0 Comments