Dowladda somaliya ayaa xayirtay 250 Akoon iyo 70 Lambar oo shabaab ay dhaqaalo ka heli jireen

AlShabaab


 Dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaal toos ah oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday khawaarijta alshabaab oo sanado badan aan la kulmin iska caabin sidaan u abaabulan dagaalka ayaa horseeday guulo waa weyn sida in lagala wareegay magaalooyin badan iyo degmooyin ay ka talinayeen 15 sano waxaa sidoo kale dagaalka lagu qaaday shabaab qeyb ka ah in lagala dagaalamay dhanka maaliyadda

Islamarkaana la xayiray 250 akoon oo ay ku leeyihiin bankiyo ku yaalla Soomaaliya kuwaaa oo dadka ganacsatada xoolahooda inta si sharci darro ah ugu qaadaan kadibna ay ku gumaadi jireen alshabaab ayey u muuqata inay si weyn u saameeysay xayiraada dowladu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bankiyada waxana afayeenkooda uu eedeyn u jeediyay bankiyada in aysan ilaalin karin lacagaha amaanada ku ah 

Taas oo u muuqata cabsi gelin iyo iska hor keenid shacabka iyo bankiyada dalka ah ururka Al-Azhar ee la dagaalanka xagjirnimada ayaa sheegay in ay daba socdeen bayaan uu soo saaray afhayeenka alshabab u soo marsiiyay mid ka mid ah xarumaha warbaahinta iyadoo digniin adag u dirtay bangiyada somaliya 

Kadib markii baarlamaanka uu ansixiyay in xayiraad lacageed lagu soo rogo iyo in la mamnuuco xisaabaadka ay ku leeyihiin bangiyada dalka a alshabaab ayaa isku dayayaan iney ka baxsado xayiraadihii dowlada ee dhawaan lagu soo rogay istaraatiijiyadda la dagaalanka argagixisada ee dalka laga gaaray natiijooyin wanaagsan iyadoo la joojiyay ilihii dhaqaalaha ay ka heli jireen kooxda argagaxisada ah

Isla markaana lagu soo rogay koontaroolka hadhaaga bangiyada taasoo ka qayb qaadanaysa in la xadido dhaqdhaqaaqa kooxda iyadoo ay sabab u tahay mushaar la’aanta haysata maleeshiyaadka iyo calooshood u shaqeystayaal lagu qoray dhiirigelin dhaqaale mushaarka ay markii hore bixin jirtay kooxda ayaa u dhexeeyey $50 ilaa $100 oo la siinayo qofkiiba balse ay hada u dhowdahay in la waayo wax la siiyo sida ay sheegayaan khuburada dhanka sirdoonka

Madaxweyne xasan sheekh oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo alshabaab ugu xareysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay waxaana lagama maarmaan ah in shacabku ay si wadajir u garab istaagaan dowlada si loo ilaaliyo dhaqaalahooda si aysan alshabaab ugu gumaadin



Post a Comment

0 Comments