Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda alshabaab deegaanka beerxaano oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada baledweyne dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay ka war heleen xubno ka tirsan shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka
Islamarkaana ay weerar ku qaadeen goobtii ay isku aruursanayeen xubnaha ka tirsan shabaab waxaa la tilmaamay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo waliba laga maqlaayay meelo ka fog fog halka uu dagaalka ku dhexmaray ciidamada is garabsanaya iyo AlShabaab
Dagaalka oo qaatay mudo ka badan 1 saac oo xiriir ayaa labada dhinac waxaa kala gaaray gurmadyo ciidan wararka hordhaca ee aan ka haleynay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa sheegaya iney ku dhinteen 4 ruux oo labada dhinac ah sida uu shabakada HOL u sheegay mid ka mid dadka ku sugan deegaanka beerxaano ee gobolka hiiraan.
0 Comments