Maxaa ka jira in kansar Laga Qaado Biyaha Caagadaha Laga Cabbo?

Dhacdooyinka caalamka


 Doodo waxaa jira mar kasta la soo jeediyo oo ku saabsan in bacaha ama caagadaha lagu xiro cuntooyinka ay halis ku yihiin Caafimaadka caagadaha biyaha laga cabbo marka la dhigo meel qorrax ah fallaaraha cadceedda ee ku dhacaya waxay sababayaan walxo ka tirsan caagadda inay biyaha ku milmaan kaddibna kiimikadii caagadda laga sameeyay ay biyaha qofka uu cabayo raacdo 

Sidaana qofka jirkiisa ay kiikimikada ku gasho taas waxay keentaa cudurka kansarka Dooddan ayaa ka dhalatay email uu qoray cilmi-baare jaamacadeed oo faafay waxaana e-mailkaasi marar badan lagu xusay warqadda daraasadda ee la sameeyay hase yeeshee saynisyahannada ku xeeldheer arrimaha caafimaadka ayaa farriinta e-mailkaasi uu xambaarsan yahay ku tilmaamay mid been-abuur ah oo waxba aysan ka jirin

Waxay saynisyahannadu sheegeen inay wax ka jirto in kiimikada bacaha la socota ee loo yaqaanno bisphenol-A (BPA) ay caafimaadka waxyeello u geysan karto BPA oo laga helo bacaha cuntooyinka lagu alxamo ama caagadaha biyaha lagu cabbo waxay saameyn caafimaad u geysaneysaa qaybo ka mid tirsan dheecaannada hormone-ka ee dumarka haddaba waxaa isweydiin mudan inay jirto caddeyn muujinaysa in kimikaalkaas ay khatar yihiin?

Daraasado ayaa tilmaamaya maaddada BPA ee kimikaalka laga sameeyo inay saameyn u geysato jiirka yaryarka ah haddii jiirka laga siiyo xaddi aad u badan balse dheefshiidka dadku wuxuu kiimikadaas u burburiyaa si ka duwan noolaha kale caagadaha ka sameysan kiimikada BPA waxaa la soo isticmaalayay sanado aad u badan

Ilaa iyo haddana ma jiraan caddeymo xooggan oo muujinaya BPA sida uu maalin walba jirkeenna u saameynayo iyo sida uu caafimaadkeenna guud u saameynayo intaba

Post a Comment

0 Comments