Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

Qarax ka dhacay jowhar

 Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in qarax miino lala beegsaday gaari NOAH ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan hirshabelle xilli uu marayey duleedka magaalada jowhar qaraxa oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka xaanshooley oo u dhow magaalada jowhar ee caasimada hirshabelle waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan 1 askari ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurka la qarxiyay wararka ayaa intaasi kusii daraya in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha jowhar mahad muxidiin calasow iyo taliyaha saldhigga booliska garoonka magaaladaasi Kabtan Muuse oo labaduba ay dhaawacyo soo gaareen

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaaladaasi si ay u baadi goobaan xubnihii ka dambeeyay qaraxaasi jowhar iyo naxaawigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro dhabagal ah oo ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa safareyda

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa haatan kusoo aadayo ayada oo al-shabaab inta badan laga qabsaday degaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka shabeelaha dhexe waxaana ugu dambeysay degmada qadiimiga ah ee adan-yabaal oo ay ku lahaayeen saldhig weyn

Qaraxaan ayaa lala beegsaday hotel ku dhow agagaarka madaxtooyada oo ay degan yihiin masuuliyiin sar sare oo ay ku jiraan wasiiro iyo ku xigeeno dhinaca kale ciidamada xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada al-shabaab waxaana howlgalladaasi lagu dilay saddex maalmood oo kaliya bishii hore in ka badan 160 ka tirsan argagixisada

Post a Comment

0 Comments