Taliyihii hay’adda nisa ee gobolka gedo oo lagu dilay qarax miino ah

Al-Shabaab


 Taliyihii hay’adda nabad-sugidda qaranka (nisa) ee gobolka gedo cabdiraxmaan cabdulaahi adan (Bakaal Kooke) ayaa lagu qarxiyay tuulada suul alle oo ku dhow degmada luuq sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka bakaal Kooke ayaa la sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada suul-alle oo 5 KM u jirta degmada luuq

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka gedo labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka jubbaland muddo dheer u diidannaa inuu ka howlgallo gobolka gedo wuxuuna taa badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee muqdisho kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa

Waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee nisa ee baladxaawo iyo doolloow cabdullahi kaniini dilkan ayaa imanayey saacado kadib markii garoonka diyaaradaha aden cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka nisa ay shalay ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka gedo

Agaasimaha guud ee hay’adda nabad-sugidda mahad salaad ayaa qoraal kooban kasoo saaray geerida bakaal kooke isagoo amray in baaris lagu sameeyo qaraxii lagu dilay Wararka ayaa sheegaya in tegista cabdullaahi shimbir ee gobolka gedo uu diidanaa taliyaha nisa ee gobolka gedo bakaal kooke ee hadda geeriyooday oo gacansaar la lahaa agaasimaha nisa mahad salaad

Post a Comment

0 Comments