Macaawisleyda oo dagaal ku qabsaday deegaan cusub

Al-shabaab iyo macawiisleyda

 Wararka laga helayo gobolka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidanka macawiilseyda iyo al-shabaab uu ka dhacay dhanka koonfureed magaalada beledweyne ee xarunta gobolkaasi dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ay al-shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka beerxaano oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab intaas kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay alshabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada deegaanka ee ku sugnaa halkaasi

Saraakiil u hadashay Macawiisleyda ayaa waxa ay shaaciyeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda al-shabaab haatana xaaladdu ay tahay mid deggan dhanka kale ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay al-shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku soo qaado saldhigyada ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka howlgalada ka wada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Gobolka hiiraan ayaa ka mid ah gobolada uu haatan ka socdo gulufka ka dhanka ah al-shabaab kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda al-shabaab ayaa laba maalmood kahor laga qabsaday degmada adan-yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya ruun-nirgood

Post a Comment

0 Comments