Nin Walaalkiis Masaafo Dheer Udiray Si Uusan Taleefoon Ugu Hadlin!!

Dhacdooyinka caalamka

 Sidee qofka dhalinyarada ah looga dhigi karaa taleefoonka uu ku mashquulay si uu kuula sheekeysto Jamie Clarke wuxuu aaday masaafo fog oo ah ilaa mongolia si uu arrintan u ogaado wuxuu mooto ama dhug-dhugleey u qaatay dooxo ku taalla dalkaas mongolia ka dib dhowr saacadood ayuu iska saaray koofiyadii madaxa ugu jirtay si uu u eego khariiradda balse wiilkiisa oo 18 sano jir ah ayaa isna iska saaray koofiyada wuxuna qabay fikrad ka duwan midda aabihii oo ku aadan socdaalkan dheer ee ay soo afjareen

Isaga waxa ay u ahayd in kelinimada ay tahay mid walaac badan yaa ilaahii taasi waxay ahayd mid dhibaato badan! maskaxdeyda sidan loogama rogi karo! balse xaqiiqadu waa sababtaa waxayna labadooda go’aansadeen in ay is raacaan oo ay wada galaan safarkaa dheer Mr Clarke ayaa dareemay in uu luminayo xiriirkii kala dhaxeeyay wiilkiisa oo lagu magacaaabo khobe kaasi oo inta badan ku mashquulsanaa taleefoonka marka uu joogo gurigooda oo ku yaalla calgary alberta ee dalka canada

Mr Clarke ayaa sheegaya in uu arrintan isaga sabab u ahaa oo wiilkiisa markii uu yaraa taleefoonnada casriga kula ciyaari jiray ciyaaraha laga soo dajiyo taleefoonnada haddii maanta uu jiro wax aan qabatinnay shakhsi ahaan qoys ahaan ama (Waalid) ahaan waa taleefoonka waxaa sidaasi sheegay mr clarke waa qalab wanaagsan balse waxaan dareemaynaa inay la wareegeen nolosheena ayuu intaa ku daray

Arrintan ayaa la soo gudboonaatay mr clarke ka dib markii qoyskiisa uu u kaxeeyay dalxiis si uu ugu dabaaldago 50 sano guuradii ka soo wreegtay dhalashadiisa hoteelkii ay dageen ma uusan lahayn internet iyo taleefoon toona ma anan lahayn khibrad ku saabsan in maalmaha nasashada aan joogo aniga oo aan haysan taleefoonkeyga gacanta markii hore waxay ila noqotay mid la yaab leh khobe ayaa qirtay xilligaasi uu aad u carooday uuna doonayay in uu laabto 

Wuxuu aad ugu xiisay aaladaha lagu sheekeysto ee snapchat iyo instagram islamarkana ma uusan ogeyn waxa saaxibadiisii joogay goobtii uu ka yimid ay hadal hayaan arrintan ayaa aabihii ku abuurtay fikir ah doorka ay tiknoolajiyada ka ciyaartay nolosha qoyskiisa iyo qaabka arrintan loo xalin karo wuxuu muddo dheer ku riyoon jiray in uu u socdaalo mongolia isaga oo adeegsanaya mooto maadaama uu wiilkiisa imika qaangaaray 

Wuxuu ka dhabeeyay arrintaa waxa uu sannad ka hor soo jeediyay arrintani wiilkiisa khobe markii helay ogolaanshiyaha shatiga lagu kaxeeyo mootooyiinka ayey isaga iyo aabihii bilaabeen inay u tababartaan sida safarada dheer loogu galo waxaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabaha ay baranayeen sida buuraha loo karo

Post a Comment

0 Comments