Dowladda oo shaacisay in jawaab cad ay ka bixinayso Weerarkii lagu qaady Hotel Villa Rosa

Weerarkii villa reys

 Baaritaan culus ayaa la billaabay oo ku saabsan weerarkii hotelka ku dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Rays kadib markii uu xaaladda soo farageliyay madaxweyne xasan sheekh weerarka oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid hay’adaha amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay hay’adda sirdoonka ee nisa

Taasi oo keentay inuu madaxweynaha isugu yeero taliyeyaasha ciidamada kana dalbado faahfaahin arrimaha su’aalaha ka taagan yihiin ayaa ah sida ay ku dhacday in Hay’adda Sirdoonka ee nisa ay ka warheli weyso kana hortagi weyso weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn madaxtooyada qaranka iyo xarunta nisa xogta la helay ayaa sheegeysa inuu madaxweyne xasan sheekh amray warbixin ku saabsan sidii ay wax u dhaceen, iyo mas’uuliyadda cidda leh

Weerarkan ayaa intii uu socday waxa uu saameeyay dhaqdhaqaaqa madaxtooyada qaranka iyo dhismooyinka kale ee hay’adaha dowladda ee halkaasi ku yaalla iyadoo uu hadalhayn xoog lehna ka dhex dhaliyay qaybaha bulshada dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa su’aal geliyay sida lix nin oo Shabaabka ka tirsan ugu suurtagashay inay ka gudbaan barraha kontorool ee lagu hubiyo amniga hotelkaasi oo muhim u ah qasriga madaxtooyada

Waana xilli wadooyinka hotelkaasi soo gala ay markii horeba u xirnaayeen amniga madaxtooyada weerarka ayaa intii uu socday waxay dableydaasi gantaalaha garbaha laga tuuro ku garaaceen gidaarka madaxtooyada dadka qaarkii ayaa qaba aragtida ah inaanay shabaabku weerari kari lahayn goob amnigeeda sidaasi loo ilaaliyo haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah

Madaxweyne xasan sheekh iyo xubnaha ku dhow dhow ayaase dersaya waxa ay noqon kareyso talaabada xigta ee ay dowladiisu qaadayso horey ayaa dowlada federaalka ayaa lagula taliyay in ay wax ka bedesho hanaanka lagu sugo amniga caasimadda muqdisho tiiyoo wax ka suurtagalay aanay jirin sidaa aan xogta ku helnay villa somalia ayaa garowsan in weerarkani uu weji gabax ku yahay dowladnimada dalka haddii uu cagaha la soo galay aqalkii dalka looga arriminayay

Wararka ayaa sheegaya inuu tallaabo laga qaadi dooo saraakiil iyo ciidamo loo heysto qaraxa hotel reys iyadoo ay hadda xiran yihiin ciidamo ka mida kuwii qaabilsanaa baraha kontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada hotel villa rays aad loo sugo wadda walba waxa yaalla bar kontorool oo amniga la sugo wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah hadaba waxa la isweydiinaya sidee ayey ku dhacday in al-shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni? 

Post a Comment

0 Comments