10 Cudur Oo Lagula Tacaalo Cabitaanka Baytaraafka

Dhacdooyinka caalamka

 Beytaraafka waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maadada “Folic Acid” iyo ganka loo yaqaanno dietary fiber labadaas oo la og yahay in ay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan beytaraafka waxa kale oo uu hodan ku yahay maadooyinka manganese potassium, xadiid, iyo faytamin c 

Baytaraafku waxa uu ka mid yahay khudradda faro ku tiriska ah ee ay ku jirto maadada “Betalain” oo ah sunsaare awood badan taas oo baytaraafka u samaysa midabkiisa casaanka maadadani waxay yareysaa hurka waxayna ka hortagtaa kansarka iyo cudurro kale waxaan halkaan ku soo koobaynaa 10 faa’ido oo laga helo baytaraafka oo cilmibaadhis ahaan la xaqiijiyay

Dhiig Karka:  

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka ingiriiska ayaa daahfurtay in maadadda “Nitrate” oo ku jirta baytaraafku ay dejiso dhiigkarka oo weliba hal saac oo keliya marka uu qofku cuno laga dareemo in dhiiggii ay dejisay afar iyo labaatanka saac ee xigana ay dhiiggiisa kicitaanka ka ilaaliso

Kolestaroolka iyo Caafimaadka wadnaha:  

Baytaraafku waxa uu hoos u dhigaa khatarta wadne xanuunka iyo dhan-qalalka sababtuna waa maadada “nitrate” ee ku jirta khudradan baytaraafku wuxuu kaloo yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “kolestaroolka” iyo xaydha fadhiisata jidhka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadana loo yaqaanno “triglyceride” waana arrin cilmibaadhis lagu arkay

Dhiig yarida:  

Baytaraafka waxaa ku badan macdanta xadiidka taas oo kordhisa heerka barootiinka loo yaqaanno “haemoglobin” ee laga helo dhiigga, kana hortagta dhiig yarida waxaa kaloo khudradaan ku jira faytamiin C oo jidhka ka caawiyo inuu cunnada ka nuugo macdanta xadiidka  

Caafimaadka dheefshiidka:  

Baytaraafku wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradana wuxuu ku caawiyaa qashin saarka wuxuuna ka hortagaa calool istaagga iyo baabasiirka

Sunsaarista:  

Baytaraafka waxaa ku jirta maadada jidhka sunta ka saarto ee la yidhaahdo “betalain” taas oo caawisa shaqada beerka si aad jidhkaaga sunta uga nadiifiso cab cabitaanka baytaraafka maalin kasta

Ciyaartooyda 

Cabitaanka baytaraafku wuxuu u wanaagsan yahay ciyaartooyda waxa uu korhdiyaa tamarta iyo awoodda waxaana uu yareeyaa daalka, sidoo kale baytaraafku waxaa uu caawiyaa habsami u shaqaynta wadnaha iyo sambabada ee xilliga jimicsiga maadada “nitric oxide” ee laga helo baytaraafka waxay kordhisaa qulqulka dhiigga ee gaadhaya murqaha

Awoodda Aragga:  

Baytaraafka waxaa ku jira faytamiinka A oo sida la wada ogyahay muhiim u ah aragga iyo caafimaadka indhaha baytaraafku wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuula iyo xanuun ku dhaca indhaha oo loo yaqaanno “macular degeneration” oo ah cillad timaada qofka marka uu duqoobo

Caafimaadka maqaarka:  

Baytaraafka waxa uu qani ku yahay faytamiinno iyo macdano muhiim u ah caafimaadka maqaarka kana hortaga cimri degdega hal koob oo cabitaanka baytaraafka ah oo maalin kasta la cabaa waxay xoojinaysaa caafimaadka maqaarka waxayna u siyaadinaysaa dhalaalka

Xidhiidhka gogosha:  

Wakhtiyadii hore waxaa loo adeegsan jiray cabitaanka baytaraafka inay cabaan lamaanaha sababtoo ah waxa la ogaaday inuu ka qeyb qaato xoojinta awoodda jinsiga

Caafimaadka maskaxda: 

Maadada “nitrate” ee ku jirta baytaraafka waxay wanaajisaa shaqada maskaxda waxay maadadani ballaadhisaa halbowleyaasha dhiigga taas oo kordhinaysa qulqulka dhiigga ee gaadhaya maskaxda sidaas awgeed waxay wanaajisaa shaqada maskaxda waxayna yareysaa halista cillada isku dhex yaaca maxkaxda ee loo yaqaanno dhimenshiya

Caafimaadka uurka:  

Baytaraafku wuxuu muhiim u yahay hooyada uurka leh maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin maadadani waxay caawisaa korriimada uurjiifka waxayna ka hortagtaa in ilmuhu uu ku dhasho cillad

Sidee loo isticmaalaa baytaraafka? 

  • Cabitaan ayaa laga samaystaa iyadoo aan la karkarin ayaa cabitaan ahaan loo shiitaa
  • Baytaraafka waxaa lagu darsan karaa ansalaatada 
  • Waxaa kaloo laga samaysan karaa maraq

Digniin: 

Haddii aad kilyo xanuun qabtid ama hadda ka hor lagugu sheegay dhagaxaan kilyaha ku samaysmay iska ilaali isticmaalka baytaraafka maadaama ay ku jirto maaddo loo yaqaanno “oxalate” oo ka qayb qaadato samaysanka dhagaxaanta kilyaha

Post a Comment

0 Comments