Al-Shabaab ayaa bilaabeen inay gudaha u soo galaan magaalada Muqdisho ka dib markii looga adkaaday furimaha dagaalka

Al-Shabaab

 Wasaaradda amniga gudaha ee XFS ayaa sii waddo dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka magaalada muqdisho ka dib weerarkii 27-kii bishii november ay dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysatay hotel villa rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada qaranka wasaarada ayaa todobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo xildhibaanada BF marka ay tagayaan xaruntooda villa hargeisa oo ku dhex taala aqalka villa somalia

Wasaarada ayaa sidoo kale kordhisay tirada dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaafadaha 17-ka degmo ee magaalada tani oo qayb ka ah talaabada ay DFS u qaaday sugida amniga magaalada ka gadaal weerarkiii Villa Rays oo dad badani la anfariireen bacdamaa uu hotelkaasi ku yaalo xeendaabka aqalka dalka looga arrimiyo oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in taliska hay’adda nisa uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada

Welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la howlgelinayo Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada al-shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan caasimadda muqdisho oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan oo dadka degana aysan is aqoon isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka baxsa khubarada amniga ayaa sheegaya in shabaabku ay isku dayi doonaan fal kasta oo aargudasho ah 

Haddii ay ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka gaar ahaan kuwa bartamaha oo xaaladi ay ka qabsatay mar sii horreysay gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada iyo amniga ee gobolka banaadir maxamed axmed diiriye ayaa shaaca ka qaaday in al-shabaab ay bilaabeen inay gudaha u galaan magaalada muqdisho hadalkan ayuu ka sheegay kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay magaalada muqdisho isagoo tilmaamay in xafiiskiisu uu ka war hayo dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka 

Ka dib guuldarrooyinkii isdaba jooga ahaa ee ay kala kulmeen kooxaha hubeysan ee dagaalka kala duwan waxana xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay laamaha ammaanku ay sare u qaadeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee magaalada muqdisho iyo deegaannada ku dhow dhow si looga hortago falalka guracan ee ay dhalinyarada ku soo qulqulayaan magaalada

Post a Comment

0 Comments