30 xubnood oo Al-Shabaab ah oo isku goob lagu dilay iyo nin ganacsata ah oo lagu dilay caabudwaaq

Ciidanka dowlada iyo alshabab


 Dowladda federaalka ayaa shaacisay in duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada al-shabaab ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan khawaarijta al-shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah iyo sirdoonka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka shabeellada dhexe

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu beegsaday maleeshiyaadka al-shabaab oo xilligaasi doonayay inay u gurmadaan khawaarij kale oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku dagaalameen bariga degaanka obaale duqeynta ayey inta badan fuliyaan ciidamada mareykanka ee jooga soomaaliya waxaana tirada qasaaraha ay ku kala duwan yihiin taliska AFRICOM ee mareykanka iyo dowladda federaalka

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka ay si dardar leh uga socdaan gobolka shabellaha dhexe iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawiisleyda ay hujuumayaan deegaanada ay kooxahaasi ka maamulaan gobolkaasi ciidamada ayaa isku fidinaya deegaanada dhaca duleedka degmada mahadaay ee ku teedsan webiga shabelle gaar ahaan aagga cali fooldheere

Hawlgal kale oo midkani barbar socdo ayay ciidamada ka wadaan deegaano kale oo dhaca duleedka degmada adan yabaal dhinaca wararka naga soo gaaraya degmada cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay bartamaha degmadaas shalay galab ku dileen ganacsade caanka ahaa iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday

Maleeshiyaadka ayaa ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray maxamuud cabdinuur ku dilay kaalin shidaal oo uu ku lahaa xaafadda waaberi ee bartamaha degmada cabudwaaq sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas 

Wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan hase yeeshee meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen Maamulka iyo laamaha amniga degmada cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay degmadaas waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada cabudwaaq dilalkala xiriira aanooyinka qabiil

Post a Comment

0 Comments