Maxaa Ku Cusub Tignoolajiyada Dunida? Qalab Hadalka Yaraynaya

Dhacdooyinka caalamka

 Laba khabiir oo u dhashay dalka Japan laguna kala magacaabo anian kazutaka iyo koji tsukada ayaa ikhtiraacay qalab elegtaroonig ah oo dadka hadalka badan iyo kuwa shirarka ka dhex sheekeeya ee aan aamusin ku qasbaya in ay aamusaan ama hadalka lagaga joojin karo sidoo kale waxa uu qalabkani caawin karaa dadka haghagada ama gaangida leh ee hadalku ku adag yahay oo lagu dawayn karo

Isla markaana uu u furayo xididada iyo neerfayaasha hadalka qaabilsan waxaanay khabiiradani qalabkaas ugu magac dareen “Confused Speech” qalabkan ayaa tijaabadii ugu horaysay ee laga qaaday waxa ka soo baxday natiijo aad u wanaagsan taas oo suura gal ka dhigaysa in ardayda qaylada badan iyo dadka waaweyn ee aan shirarka ka aamusin qasab ku aamusiinaya, hadalkana ka jaraya

Qalabkan ayaa awood u leh in qofka la aamusiinayo lagaga soo liishaami karo masaafo sodon mitir u jirta, waxaanu awood u leeyahay in dadka hadalada dhux dhuxda iyo gaagaabsiga ku hadlaya inta uu ka qabto ka dib uu isaga dib ugu celinayo si uu uga war helo in xantiisa la maqlay ama waxa uu hoos u leeyahay laga war helay habkaas oo ah mid caalamiyan loogu yeedho “DUFF”.

Khabiiradan ayaa sheegay in aanu qalabkaasi ahayn mid qofka dhibaato u gaysanaya caafimaadkiisa iyo qaabka uu u hadlo hasa yeeshee waxa uu ku mashquulinayaa jabaq iyo dhawaaqyo hadalka uu leeyahay oo la duubay ah ka dibna si deg deg ah ugu celinaya taas oo nafsi ahaan qasab kaga dhigaysa qofka inuu afkiisa xidho waayo? Waxyaabo badan oo uu ku xanshashaqayo una diiday inuu aamuso ayuu aaminayaa in la maqlay oo aanu sii wadi karin sidoo kale waxa ku dhacaya ama uu dareemi karaa dhibta rabshadu leedahay

Qalabkan oo qofka sida tooska ah loogu jiheeyo kaligii khalkhal iyo caqabad la hor taagnaanaya waxa uu sida culimada cilmi nafsigu cadeeyeen qofka caadaysta inuu ka dhex xanshashaqo shirarka iyo ardayda edeb darada awgeed la aamusi waaya ayaan jeclayn in hadalkoodu noqdo mid baxay oo la wada ogaado waxa kale oo ay aad uga xumaadaan ku dhex goynta ama in lagaga dhex dhaco oo cid kale dibada ka soo gasho sidaa daraadeed waxa ay khabiiradani aaminsan yihiin inuu nidaamka qalabkani u shaqaynayo oo afkiisa iyo hadalkiisa ku kala dhex dhacayaa horseedi karo inuu ka waantoobo

Post a Comment

0 Comments