Ilma Yar Oo Ku Dhex Dhintay Gaadhi Hooyadii Ku Dhex Ilowday

Dhacdooyinka caalamka


 Dhacdo naxdin leh ayaa maalintii shalay ka dhacday dalka malaysia taas oo la xidhiidhay wiil yar oo shan jir ah oo hooyadii kaga dhex tagtay gaadhi ay wadatay ka dib markii ay ilowday sida loo malaynayo halkaas oo muddo lix saacadood ah uu ku jiray ka dibna ku dhex geeriyooday sida ay ku warantay “New Straits Times.” ee ka soo baxda dalka malaysiya 

Hooyadan ayaa ilmaheedan yar ka soo qaaday guriga waxaanay u waday iskuul uu wax ka barto laakiin deg deg ay ku cararaysay shaqadeeda oo iyada lafteedu la xidhiidhay dugsi kale oo ay macalimad ka tahay ayaa sababtay in ay ku dhex ilowdo kursiga danbe ee gaadhiga halkaas oo uu muddo lix saacadood ah ku jiray ka dibna loogu tagay isaga oo mayd ah degaanka dhacdadani ka dhacday oo lagu magacaabo johor baru waxa ay magaalada caasimadda ah ee Kuala Lampur u jirtaa 295 km oo dhinaca koonfureed ay kaga beegan tahay

Hooyadan ayaa sida dad goob joog ahi ku warameen ilmaheeda yar xasuusatay markii la gaadhay Wakhtigii Fasaxa ee qadada ka dibna waxa ay dadkii oo dhan jiidhay iyada oo ku dhawaaqaysa magaca ilmaheeda yar laakiin markii ay si deg deg ah u furtay gaadhiga ayay aragtay wiilkeeda oo aan meel dhaqaaqda lahayn ka dibna waxa loola cararay cusbitaal goobta ka dhawaa 

Kaas oo markii baadhis lagu sameeyay ka dib loo xaqiijiyay in wiilkaas yari geeriyooday oo aanu nolayn dad badan oo goob joog ahaa ayaa sheegay, in ilmahan yar la arki kari lahaa, laakiin gaadhiga muraayaduhu u wada dalacnaayeen, oo midabkooduna madow ahaa taasina ay sababtay in la arki kari waayo

Post a Comment

0 Comments