DF oo shaacisay tirada Shabaab ee lagu laayey degaanka juxaay iyo sarkaalkii ugu qatarsanaa alshabaab oo la dilay

AlShabaab oo la laayey

 Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda al-shabaab kadib howlgallo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka sh/dhexe gaar ahaan aagga degaanka Juxaay sarkaalka la dilay waxa magaciisa lagu sheegay yuusuf maxamad jingaab (wasiir) kaas oo bayaanka dowladda lagu sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan al-shabaab

Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida yuusuf maxamad jingaab (wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka soomaaliyeed qoraalkaan oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta soomaaliya ayaa intaas ku sii daray yuusuf jingaab wuxu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo soomaaliyeed

Sarkaalkaan ayaa ka mid ahaa shabaabkii lagu laayey degaanka juxaay oo hoos taga degmada Aadan-yabaal waxaana lala dilay 87 dagaalame sida lagu shaaciyey warkaan horjooge yuusuf jingaab waxa lagu dilay hawlgal ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta 15-kii bishaan

Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta waxaa lagu yiri dawladda soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo kuwa caadaystay gaboodfallada ka dhanka ah shacabka soomaaliyeed


Post a Comment

0 Comments