Ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidmada africom ee mareykanka ayaa alshabaab laga qabsaday degaan cusub lagana dilay 70 xubnood

Ciidamada dowlada iyo alshabaab


 Taliyaha ciidanka dhulka jeneraal maxamed tahliil biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab kaas oo ka dhacay degaan lagu magacaabo ceelbacad oo hoos taga degmada adan-yabaal taliyaha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxdu ay saacadihii ugu dambeeyey isaga baxeen degaanka ceelbacad isla markaana looga daba tegay dhul-howd ah halkaas oo aad loogu laayey

Jeneraal Biixi ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 67 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda al-shabaab wuxuuna sheegay in howlgalku uu weli socdo oo khasaaraha gaaray al-shabaab uu intaas ka badan yahay dagaal aad u xoog badan ayaa halkaas ka dhacay dagaalkaas hadda waa qaboobay oo xabadii ma socoto ee ciidanka ayaa sifeyn wada 

Waxaan xaqiijinay oo dul istaagnay geerida 67 shabaab ah dhaawaca ayaa intaas ka sii badan meydadka iyo qoryihii ayaan hadda isku uruurineynaa ayuu yiri jeneraal biixi dhinaca kale taliska AFRICOM ee mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay duqeyn ay diyaaradadooda dagaalka jimcihii ay ka fuliyeen agagaarka degmada cadale oo qiyaastii 150 mile u jirta muqdisho

Sidoo kale wuxuu talisku xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab mana jiro khasaare kasoo gaaray dadka rayidka sida lagu sheegay warbixinta al-shabaab waa shabakadda al-qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awooda ay u leedahay inay weerarto rayidka somalida

Waana duqeyntii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood ah mareykanka ka fulinayo gudaha somalia taas oo lagu beegsaday kooxda al-shabaab muddooyinkii lasoo dhaafay mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah isaga oo taageeray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya al-shabaab


Post a Comment

0 Comments