Maxaad Ka Taqaan Magaalo Buureeda Kandovan Ee Dalka Iiraan?

Dhacdooyinka caalamka


 Magaalada Kandovan waxa ay ku taala cidhiifka ugu shiisheeya waqooyiga galbeed ee dalka iiraan magaaladan oo buur dhagaxeed salaxyo waaweyn laga qoday ka samaysan waxa ay kamid tahay goobaha ugu layaabka badan dunida gaar ahaan marka laga hadlay dhismaha iyo xadaaradii dadkii hore eray ahaan magaca magaalada ee kandovan waxay afka iiraaniga ku noqonaysa magaaladii xabaal qodayaasha dhagxaanta

Waa muuqaal aan la Rumaysan Karin marka meel fog laga joogo in guryo iyo meel la degan yahay ay yihiin waxaana la moodaa sidii boholo iyo godad bahalo galeen ah oo dudumooyinka sidooda u dhisan laakiin marka loo dhawaado ayaa la garan karayaa in guryo ay yihiin, oo la degan yahay kandovan oo ka mid ah wakhtigan goobaha loo dalxiiska tago ee taariikhiga ah ee dalka iiran ku yaala waxa sidii loo degay iyo sababtii ku kaliftay dadkii qoday buurahani leedahay taariikh dheer oo ilaa kun sanadood ku dhow

Sida taariikhda magaalo buureedan lagu hayo dadkii hore ugu dhaqnaan jiray degaankaas ayaa waxa weerar xoog leh ku soo qaaday xoogagii mangoliyiinta kuwaas oo dunida inteeda badan ku qabsaday gulufkoodi waynaa dadka reer kandovan ayaa guryo ka qotay dhagxaanta salaxyada ah ee buuraha ku dherar jiidaas halkaas oo ay ka hir galiyeen magaalo difaac ahaan amnigeedu sugan yahay isla markaana u adkaysan karta dabeecada iyo cimilada qalafsan ee degaankaas ka jirta

Magaca kandovan oo afka faarisiga macnihiisu ku noqonayo dhulkii xafaariinta godadka ayaa in kasta oo ay sheeda dudumooyinka abuurku dhiso oo kale uga eg tahay marka gudaha loo galo kaa yaabinaya sida ay dhagxaantaas la qoday uga samaysteen guryaha quruxda badan ee nashqadoodu sarayso in kasta oo mangooliyiintii jabeen oo aanay jirin cabsidoodi xiligii ay gulufka iyo dagalka ku qabsanayeen dunida inteeda badana ay ka nabad galeen haddana dadka reer Kandovan,ilaa wali waa kuwo ku nool guryihii ay dhagxaanta buuraha ka qoteen ee cabsidu ku kaliftay

Guri kasta oo ku yaala magaalo buureedan ku taala dalka iiraan ee kandovan waxa uu leeyahay nashqad iyo hab loo dhisay oo aad kaaga yaabinaya qol kastana waxa u dhamaystiran waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha aadamiga haddaba wakhtigan oo ay dhamaadeen dadkii xafaariinta ahaa ee qoday buurahan guryahana ka  samaysan jiray ayaa ilaa iyo wali la degan yahay oo guryo cusub laga samaytaa marka la waraysto dadka ku nool magaaladanina waxa ay kuu sheegayaan in qodista halkii qol ama guri ee buurahani ku hirgalayo afar sanadood oo la jafo dhagxaanta salaxa ah

Dalxiisayaashu waxay halkan u yimaadaan si aynoo daawadaan laakiin uma yimaadaan inay nolosha nagala qayb qataan oo hoos noo ogaadaan, sidaa waxa ku odhanay qof kasta oo reer kandovan ah isku soo wada duubo magaalada kandovan waa mid gudaha dalka iiraan laga wada yaqaano taariikhdeeduna ku wayn tahay laakiin muuqaal ahaan wakhtigan uga dhigan goob dalxiiseed loo tamashlo tago

Post a Comment

0 Comments