DF oo shaacisay in gacanta lagu dhigay saraakiil iyo xubno ka tirsan Shabaab

Al-Shabaab


 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saraakiil iyo xubno ka tirsan al-shabaab bayaan kasoo baxey wasaaradda warfaafinta soomaaliya ayaa lagu yiri sida tan: koox ka tirsan khawaarijta shabaab kuwaas oo ka kooban afar xubnood uuna hogaaminayay horjooge maxamed cali xasan oo loo yaqaano macalin xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qalabka sida ee ku sugan dowlad goboleedka hirshabeelle

Dhinaca kale Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee khawaarijtu ay kala kulantay dagaalkii ay ciidamada qaranka iyo dadka deegaanku kula galeen hirshabeelle maalin ka hor isla aaggaaas waxaa ciidamada qaranka isku soo dhiibay siciid raage oo khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah maleeshiyada kooxda khawaarijta ah

Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan ciidamada qaranku waxaana ka go’an dawladda soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula fikirka khawaarijta iyo ficilladooda gurracan dawladda soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun

Dowladda oo khawaarijta Al-Shabaab kula jirta dagaal toos ah oo dalka looga saarayo iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah ayaa waxaa ka go’an ciribtirka khawaarijta si shacabka soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed maxamuud xasan ibraahin baakaay oo ka hadlay isa soo dhiibista xubnahaan shabaabka ka midka ahaa ayaa ugu baaqay kuwa la midka ah ee wali u dagaalamaya kooxda shabaab iney fursad heystaan oo ay isa soo dhiibi karaan

Wuxuuna ugu baaqaya kuwa wali ku taagan fikirka qaldan iney isa soo dhiibaan waxaan u balan qaadey ineysan jiri doonin cid waxyeeleynaysa maalmaahii dambe waxaa si weyn usoo kordhaayay saraakiisha iyo shaqsiyaadka ka tirsan kooxda shabaab oo isku soo dhiibaya ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku howlan dagaalada ka dhanka ah al-shabaab

Post a Comment

0 Comments