Odayaasha Ruun-nirgood oo isku dhiibay DF, iyagoo ka soo goostay dhanka alshabaab

dowladda somalia


 Waxaa maanta ciidanka dowladda isku soo dhiibay odayaashii la shaqay jiray kooxda Al-Shabaab ee degmada ruun-nirgood oo ah degmadii ugu dambeysay ee shabeellada dhexe ay ka joogtay maleeshiyada al-shabaab ciidanka dowlada oo la sheegay in hadda ay ku sugan yihiin hareeraha degmadaas ruun-nirgood

Waxaa maanta isku soo dhiibay odayaashii degmadaas oo lagu soo dhaweeyey deegaan lagu magacaabo cadcadey oo hoos taga degmadaas saraakiil uu ku jiro Jeneraal Gacmadulle ayaa soo dhaweeyey odayaashaas oo warbaahinta loo soo bandhigay kuwaas oo ka warbixiyey sababtii ku kaliftay inay shabaab-ka la shaqeeyaan

Odayaashaan ayaa sheegay in khatar badan ay ugu jireen in diyaaradaha dagaalka ay laayaan iyagoo kooxda aan ula shaqeyneyn doorashadooda oo rag la qasbay ay ahaayeen sida ay sheegeen habeen hore waxana soo dul istaagtay diyaarad waxay nagu shiday leyr weyn oo wax kasta laga arkaayo 

Waxaan is-weydiinay sababta nagu kalifeysa inaan sugno inta nalaka duqeynayo sabuxdiina waan ka soo cararnay inteenii alle na waafajiyey ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha sidoo kale odayaashaan ayaa warbaahinta u sheegay in wax faa’iido ah aysan ku qabin la shaqeynta al-shabaab ninka ugu badan 8 bilood ayuu la joogay

Wax doorasho ah ma anaa laheyn ee waan qasbaneyn ayuu yiri oday kale jeneraal gacmadulle oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidanka ay odayaashaan isku soo dhiibeen ayaa yiri allaah ayaa waafajiyey odayaashaan inay ka soo baxaan kooxda hadii aysan ka soo goosa laheyn waxaa dhici laheyd ceeb-weyn oo alle naga koriyey

Korneel saney cabdulle oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowlada ayaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay inay kooxda kala wareegeen degmada ruun-nirgood in kastoo wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in magaalada aysan weli ciidanku gudaha u gelin sidoo kale ma jirto cid ka madax-banaan ciidanka oo xiqiijisay in al-shabaab ay si buuxda uga baxeen ruun-nirgood

Post a Comment

0 Comments