Darwalka Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka oo ku biiray kooxda Al-shabaab

Al-Shabaab


 Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka soomaaliya maxamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa la xaqiijiyay inuu u goostay al-shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaas oo magaciisa lagu soo koobay xuseen arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan waxaana jiritaankeeda sii xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee baarlamaanka xildhibaan mursal 

Guddoomiyihii hore ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay islamarkaana uu ahaa shaqaale ka tirsan Baarlamaanka isaga oo tilmaamay in markii hore uu ka soo raacay wasaaradda gaashaandhigga markii uu wasiirka ka ahaa ninkaas darawal ayuu ahaa wasaaradda gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha baarlamaanka noqday

Wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan ee ku dhalisay inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab ninkaas oo xuseen ahaa 4 sano ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday laakiin waa inaan u deynaa hay’adaha amniga 

Ugu dambeyn mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada muqdisho kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda soomaaliya si ay dabagal ugu sameeyaan laba maalin kahor ayuu guriga ka tegay hal maalin marka uu maqnaadayna waxaa loo sheegay qolada amniga

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay al-shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka villa rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga sida ay ku warameen ilo xilkas ah si kastaba illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirka darawalka maxamed mursal


Post a Comment

0 Comments