Xabad Buskud Ah Oo Ka Badbaaday Markabkii Titanic Oo Kumanaan Dollar Lagu Iibsaday

 

Dhacdooyinka caalamka

  Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa sanadkan ayaa ka dhacday suuq ka mid ah kuwa alaabta iyo waxyaabaha taariikhda ku suntan lagu kala iibsado ee dalka Ingiriiska halkaas oo sida wararku sheegayaan ganacsade giriig ahi kumanaan dollar oo lacag ah uu kaga iibsaday buskud boqol sanadood iyo ka hor la sameeyay

Suuqa “Henry Aldridge Lounge” ee magaalada london ayaa waxa ka dhacay xaflad lagu naadinayo waxyaabo ka mid ah alaabtii laga soo badbaadiyay markabkii titanic ee sanadkii 1912-kii ku qaraqmay badweynta atlantic-ga in kasta oo xaraashkan lagu iibsaday alaabooyin kala duwan waxa ugu layaab badnayd xabad buskud ah oo uu sitay qof ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyay 

Markabkii titanic oo ganacsade u dhashay dalka giriigu uu 23-kun oo dollarka maraykanka ku iibsaday halkan xabo ee buskudka ah ayaa sida la sheegay ka mid ahayd buskud uu qof ka mid ah rakaabkii titanic ka sii iibsaday moofo ku taalay southampton ka hor intaanu markabku ka dhaqaaqin waxaanu ninkaasi nasiib u helay inuu ka mid noqdo dadkii ka badbaaday shilkaas

Waxaanu dharkii iyo wixii uu haleelay ee lala soo badbaadshay uu ku xafiday gurigiisa ka dibna waxa ka iibsaday dadka isku ururiya alaabooyinka taariikhiga ah ee marka danbe ka macaasha qiimaha loo malaynayo inuu siistay ama qofkaasi ku iibsaday buskudkan oo ahaa noocyadii moofooyinka lagu dubi jiray ka hor intaanay warshaduhu soo bixin ayaan ka badnayn dhawr santi oo dollarka maraykanka ah 

Hasa yeeshee waxa uu ganacsadahani ku iibsaday sadex iyo labaatan kun oo dollar ka sakow qiimaha aan caadiga ahayn ee la siistay xabadan buskudka ah waxa dadku aad ula yaabeen in ganacsadaha iibsaday uu yahay giriig sababtoo ah? waxa dunida oo dhami maskaxda ku wada haysaa dhaqaale burburka iyo busaarada ka jirta dalkiisa iyo sida uu lacagta ugu loofarayo

Waxa kale oo dadku aad uga yaabeen sida dhibta yar ee Shirkaduhu uga macaashaan qalabyada taariikhiga ah ee ay lacagta aan macnaha lahayn ku iibsadaan ka dibna malaayiinta dollar ay kaga macaashaan waxa xaraashkan lagu kala iibsaday boqol iyo dhawr iyo labaatan shay oo ka mid ah waxyaabihii dadkii laga badbaadshay shilka titanic ay xidhnaayeen ama siteen iyo kuwii markii danbe markabka laga soo saaray

Post a Comment

0 Comments