Nisa Oo Heshiis La Gashay Sirdoonka Ethiopia Kadib Kulan Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Somalia iyo Itoobiya

 Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee nisa mahad maxamed salaad ayaa muqdisho kula kulmay agaasime ku xigeenka nabad sugidda ee dalka itoobiya xog aan ka helay kulankaas ayaa xaqiijineysa in labada sirdoon ee soomaaliya iyo itoobiya ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dagaalka al-shabaab

Kulankaan oo muqdisho ay ku yeesheen madaxda labada sirdoon ayaa diiradda lagu saaray sida ay muhiim u tahay in sirdoonada labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga khatarta argagixisada agaasime ku xigeenka hey’adda nabad sugida itoobiya general Sisay Tola ayaa shalay soo gaaray muqdisho

Wuxuuna la socday wafdi soomaaliya keenay dawo ay dowladda itoobiya ugu qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii soobe agaasime Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii dowladda soomaaliya ka socday ee shalay wafdiga itoobiya muqdisho ku soo dhaweysay

Aragtida mahad salaad oo dadka ku yareed tan iyo markii loo magacaabay taliyaha nisa ayaa shalay hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada markii uu ka soo muqday warbaahinta isagoo ku sugan garoonka adan adde itoobiya ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee wajahaya khatarta ka imaa karta weerarrada al-shabaab

Taas oo labada dalka muhiim uga dhigeysa inay iskaashi ka sameystaan dagaalka kooxda agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada pretoria ee waddanka koofur afrika

Post a Comment

0 Comments