Gacan Ku Dhiigle Shiine Ah Oo 13-Sanadood Cunayay Midho Wejigiisa Bedelay Kana Badbaaday In La Garto

Dhacdooyinka caalamka



 Nin ku eedaysan gacan ku dhiigle oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku guulaystay in muddo sadex iyo toban sanadood ah uu booliska iyo laamaha cadaalada iska qariyo ka dib markii uu adeegsaday midho u suura geliyay inuu badalo wajiga si aan la garanayna uu raad gadka ugu sameeyay sida ay baahisay jariirada daily mail ee dalka ingiriiska ka soo baxda 

Ninkan shiinaha ah oo lagu magacaabo xie ayaa dil badheedh ah gaystay sanadkii 2009-dii waxaana tan iyo xiligaas caydhsanayay ciidamada Booliska iyo dhamaan laamaha kala duwan ee cadaalada laakiin ninkan ayaa ku guulaystay inuu si dabiici ah u badalo muuqaalka wajigiisa muddo sadex iyo toban sanadood ahna marin habaabiyo booliska, waxaanu sida warbaahintu sheegtay ku guulaystay inuu qof kale oo aan la garanayn isu badalo

Ninkan ayaa si joogta ah maalin iyo habeenba u quudan jiray midho sida looska oo kale qolof dusha ku leh kuwaas oo marka la salool si fudud loo cuni karo waxaanay midhahaas oo aanan magacooda Somali ku garanayn ay ka mid yihiin cuntooyinka fudud ee lagu madadaaloodo sida wayna looga isticmaalo waddamo badan oo ka mid ah qaarada eeshiya

Xie ayaa sida warbaahintu sheegtay waxa midhahan uu joogtada u cunayay badaleen muuqaalka wajigiisa gaar ahaan afka debnaha iyo dhabanada midhahan marka la saloosho la cuno ee uu ninkani kaga badbaaday in la xidho ayaa ah kuwo haddii aad loo badsado yareeya afka, sanka iyo dhabanada waxaanu qofku isku badalaa qaab kale oo ay adkaanayso sida loo gartaa

Geedkan uu ninkani isku midab badalay ayaa ah mid marka la isticmaalo qofka geliya fir fircooni iyo mirqaan badan waxaanu badalaa midabka debnaha iyo carabka haddii aad loo badsadana waxa uu sababa in qofku ugu miyir doorsoomo sida alcohol-ka oo kale xie ayaa ku guulaystay inuu warqadihiisa aqoonsiga badalo oo waxa uu samaystay aqoonsi kale oo qof qoyskooda oo dhintay uu magaciisa la baxay muddo sadex iyo toban sanadood ahna 

Wuxuu marin habaabiyay booliska iyo ehelada ninkii uu dilay sanadkii 2009-dii ninkan ayaa baadhitaan dheer ka dib boolisku ku guulaysteen in arbacadii hore ay ka soo qabtaan gobol badhtamaha dalkaas ku yaala laakiin sida booliska laftoodu ku warameen waxa uu ninkani ku guulaystay inuu booliska khalkhaliyo lana garan waayo oo uu muuqaal kale yeesho

Post a Comment

0 Comments