Halista fadhiga badan uu u keeno caafimaadka qofka bani'aadamka ah

Dhacdooyinka caalamka


 Cilmi baaris Caafimaad oo dhawaan laga sameeyey wadanka canada iyo mareykanka ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad ee fadhiga badani ee aadamigu uu leeyahay waxaana daraasadaan tilmaameysaa in afar saacadood oo xirriir ah haddii qofku asigoo wax dhaqdhaqaaq ah sameenin maalin walba hor fadhiya talefishinka sabab u noqon karto in xanuuno halis ah ay ku dhacaan 

Deraasadan ayaa ka digtay halista daawashada telefishanada ee saacadaha badani u leedahay aadamiga taas oo sida natiijada ka soo baxday oo lagu daabacay wargeyska “Health Day News” tilmaamayso noqonaysa halista ugu wayn ee aadamiga soo gaadhi karta sida madaxa kooxda baadhitaankan samaysay oo u dhashay dalka Kanada laguna magacaabo frednrich christine uu isagoo ka hadlaya natiijadii uga soo baxday baadhitaankooda uu yidhi

Waa Suura gal inaynu nidhaahno ama aan odhan karno fir fircoonaanta badan iyo dhaq dhaqaaqu waxay yareeyaan halista iyo cabsida in xanuunka Kansarku ku dhici karo qofka taas oo ay cadahay in fadhiga badani sababi karo waxa dhaq dhaqaaqa badani yareeyo sidaa waxa yidhi madaxa kooxdii baadhitaankan samaysay oo u dhashay dalka Kanadda khabiirkan ayaa ku talinaya in qofku todobaadkii sameeyo 150-Miridh oo socod ah

Si uu halistaa uga badbaado haddii shaqadiisu fadhi u badan tahay waxaanu isagoo taa ka hadlaya uu yidhi waxa wanaagsan haddii aad tahay qof inta badan wakhtigiisa fadhiya inaad isku daydo sidii aad uga dhex samaysan lahayd wakhtigaaga maalin walba shan iyo toban daqiiqo oo jimicsi ah si aad uga badbaado halista kansarka neef mareenka iyo naasaha ee haweenka ku dhaca

Gaba gabadii waxa uu khabiirkani ku soo xidhay hadalkiisa suura galnimada fadhiga badan iyo dhaq dhaqaaq yaraantu haddii ay awal ahayd mid looga cabsi qabo qofka xanuunada wadnaha iyo dhiig karka waxa aynu imika odhan karnaa xarakaad la’aanta iyo fadhiga badani waxay horseedaan ama xidhiidh la leeyihiin arrimaha sababa kansarka neef mareenka iyo naasaha ku dhaca

Haddaba si qofku uga gaashaanto haddii uu had iyo jeer hor fadhiyo kaambuyuutar ama hawl maalmeedkiisu yihiin kuwo fadhiga lagu qabto waxa u wanaagsan inuu sameeyo jimicsi ama socod maalin walba gaadhay shan iyo toban daqiiqo, taas oo ka badbaadin doonta xaalado badan iyo xanuun kala duwan oo asiibi kara ama fadhiga badan ka dhalan kara

Post a Comment

0 Comments