Sixiroole iyo magaalo isku muruxsaday oo dadkii layaabeen

 

Dhacdooyinka caalamka

 Mid ka mid ah arrimaha ugu layaabka badan aduunka ayaa ka dhacday degmo ku taala dalka Kenya ka dib markii dadka ku dhaqan degmadaasi ay sixiroole ka codsadeen inuu nooleeyo qof ka dhintay oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan degaankaas sixiroole caan ka ah dalka kenya oo ku dooda inuu nooleeyo dadka dhintay kuna guulaystay shan qof oo dhintay inuu nooleeyay iyo dadka ku dhaqan magaaladaas oo doonaya in loo soo nooleeyo sida uu wakaalada wararka faransiiska ee (AFP) u sheegay maayerka magaaladaasi

Jariirada the star ee dalka kenya ka soo baxda ayaa cadadkeedi todobaadkan soo daabacday rabshad iyo dagaal ka dhex qarxay dadka ku nool magaalada kwela ee koonfurta bari dalka kenya ku taala iyo sixiroole lagu magacaabo Samuel Kaonde oo isagu ahaa ninka ku doodayay inuu soo noolayn karo nin ka dhintay dadka magaalada

Maayar adaro cucuta ayaa maalintii ugu adkayd shaqadiisa uu magaalada kwela u hayo ku tilmaamay dhamadkii bishii tagtay ka dib markii sida uu sheegay magaaladaa uu ku dhintay, nin oday ah, kaas oo looga sheekeeyay nin sixiroole ah oo qaraabada ninka dhintay aaminsanaayeen inuu dilay waxa loo yeedhay musixir kale oo caan ka ah dalka kenya 

Kaas oo isku xayaysiiyay awood badan oo sixir inuu leeyahay ilaa xadna gaadhsiisan yahay soo noolaynta dadka dhintay oo uu hore ugu guulaystay shan qof oo dhintay inuu soo nooleeyay waxa la isugu soo baxay fagaare wayn oo ku yaala magaalada, halkaas oo maydkii la soo dhigay ka dibna sixiroolihii bilaabay inuu akhriyo war shaydaankiisi, waxaanay sida Maayarka Kwela sheegay ay socotay ilaa gelinkii danbe ee maalin-nimo waxaanay ku dhamaatay guul daro sixiroolihii ku dhacday

Dadkii qaraabada u ahaa iyo bulshadii kale ee sixiroolaha iyo sixirka aaminsanaa ayaa bilaabay rabshado iyo cadho ay ku diidan yihiin waxaana jiray in dad badani ku doodayeen, in sixirooluhu wax qarinayo oo isagoo iska diidaya in sixiroolaha kale ee ay ku tuhunsan yihiin dhimashada ninkaa maydka ahaa aanu hawshiisa dhamays tirin sixiroole samuel kaonde ayaa bilaabay qaylo uu dadka ku qancinayo in aanu awoodi karayn oo xaaladu sidii uu moodayay aanay ahayn

Laakiin qaraabadii Maydka iyo dadkii magaaladu ay ka diideen, taas oo sababtay in markii danbe boolisku soo dhex galo oo sixiroolihii goobta laga kexeeyo si aan loo faro saarin wada hadalna laga galo sidii ehelada maydka loogu qancin lahaa inay aastaan.
dhacdadan ayaa maayarku ku tilmaamay mid ka mid ah waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee soo waajahay tan iyo intii uu mayerka ka noqday magaalada kwela halka wakaalada wararka faransiiska ee (AFP) iyo wargeyska star ee dalka kenya labadooduna ku soo qaateen barnaamijkooda dhacdooyinka layaabka Aduunka

Post a Comment

0 Comments