Shimbir 3-kun Oo mayl u soo mara booqashada oday badbaadiyay isagoo dhimasho qarka u saaran

 

Dhacdooyinka caalamka

 Shimbir nooca bari biyoodka ah ee badriiqa (Penguin)-ka loo yaqaano ah ayaa sanad kasta safar dheer oo kumanaan mayl ah u soo gala kulanka iyo mahadnaqa nin kaluumayste ah oo shan sano ka hor badbaadiyay sida warbaahinta caalamka intooda badani wariyeen nin kaluumayste ah oo u dhashay dalka brazil laguna magacaabo joao pereira de souza ayaa shimbirkan ka soo dhex saaray xeebta dalkaas

Xiligaas oo uu shimbirkani ku dhex haftay biyo shidaal ku daatay awgeed la wasakhoobay halkaas oo isagoo sumoobay dhimashana qarka u saaran uu ka soo dhex saaray Joao Pereira de Souza oo 71-jir da’diisu tahay ayaa sheegay in shimbirkan uu arkay isaga oo ku dhex siriiray biyaha bada ee saliida iyo shidaalka ku wasakhoobay xaaladiisuna aad u liidatay hasa yeeshee uu go’aansaday inuu u gurmado oo badbaadiyo

Odaygan ayaa gurigiisa u qaaday shimbirkan bari biyoodka ah ee aadka u liitay rejo badana kamuu qabin inuu wakhti badan sii noolaan doono laakiin muddo ka dib xaaladiisu way ka soo raysay waxaanu bilaabay inuu ka soo kabto suntii badnayd ee uu liqay 11-bilood oo xanaanayn iyo dawayn uu oday joao pereira de souza u sameeyay shimbirkan Badriiqa ah ayay u cadaatay in xaaladiisu wanaagsanaatay oo lagu celin karo xeebtii iyo degaankiisi rasmiga ah 

Waxaanu geeyay xeebta oo ku sii dhex daayay boqolaal kun oo shimbiro noociisa ah oo soo xagaa baxay sida uu telefishanka dalkiisa u sheegay in laga bilaabo markii uu xoriyadiisa u celiyay ee uu shimbirihii meeshiisa u geeyay aanu marna ku hamiyin inuu mar danbe dib u arki doono waxaanu u haystay in maalintaasi isugu danbayn doonto laakiin sanad ka dib markii uu badbaadiyay ayuu arkay shimbirkii oo socda oo albaabka gurigiisa taagan 

Kaas oo markii uu dibada ugu soo baxay ee uu arkay farxad la oogsaday ilaa uu madaxa ka dhunkado oo mahad naq u muujiyana uu tegi waayay joao ayaa sheegay in markii uu haddana dib ugu gelbiyay xeebtii iyo halkii shimbirihii kale joogeen aanu iskii u tegin shimbirkani waxa ay haddana noo ahayd maalin kale oo aan dib isu nabad galyaynay waxaanu i gashaday jacayl wayn oo sababay inaan habeen iyo maalinba noloshiisha ka fekero xusuustaydana aanu ka bixin Ayuu yidhi

Wakhtiga uu shimbirkan badbaadiyay oo ahayd 2018-kii ilaa sanadkan oo muddo shan sanadood ah noqonaysa, waxa uu shimbirkaasi mar kasta oo shimbiraha dhigiisu soo haajiraan toos u yimaada guriga ninkan odayga ah ee badbaadiyay shan sanadood ka hor sida warbaahintu sheegtay wuxuu odaygan reer brazil ee joao shimbirkan u bixiyay dinbim waxaanu u sameeyay xarun caafimaad oo marka uu sanad walba soo noqdo xanaanayn iyo dawayn degdeg ah loogu sameeyo

Joao pereira de souza oo ka mid ah kaluumaysata magaalada rio de janeiro ee dalka brazil ayaa waraysiga telefishanka dalkiisu la yeeshay ku sheegay in shimbirkaasi imika ula mid yahay sida carruurta uu dhalay oo kale jacaylka uu gashaday iyo hilowga uu ku beerayna marba marka ka danbaysa uu ku sii kordho shimbirkan ayaa sanad kasta odaygan badbaadiyay u yimaada bisha july marka la gaadho waxaanu la jooga muddo dhawr bilood ah ka dibna wuxuu dib ugu noqdaa duurka iyo meeshii uu ku noolaa oo wuxuu dib ula haajiraa shimbiraha kale ee dhigiisa ah

Imaatinka iyo booqashada uu odaygan badbaadiyay ugu mahadnaqayaana waa mid joogto ah tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2018-kii odaygan reer brazil ayaa dadka ku nool dunida oo dhan ka codsaday in la badbaadiyay noolayaasha dhibaataysan kuwa la dhibaataynayana laga daayo waxaanu tusaale u soo qaatay shimbirkan oo uu sheegay inuu ka wanaag badan yahay xitaa qaar ka mid ah aadamiga isla markaana uu garanayo abaalka loo galay iyo cidii wax tar u fidisay

Post a Comment

0 Comments