Dowladda soomaaliya oo warbixin rasmi ah kasoo saartay howlgallada ka socda dalka oo dhan

 

Dowladda soomaaliya

 Dowladda Soomaaliya ayaa shalay warbixin buuxda kasoo saartay dagaaladdii ka socday gobolka shabeeladda dhexe waxayna sheegtay in ciidamada qalabka iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay laayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda alshabaab

Dowladdu waxay sheegtay in howgalladan lagu burburiyay gaadiid Al-Shabaab u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay hawlgalladan ayaa ka dhacay deegaanka masaajid cali-guduud iyo bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano doolile oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe

Hawlgalka koowaad waxay dowladdu sheegtay in la fuliyay sabti 22-kii october waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal katirsan alshabaab sida ay dowladda sheegtayna waxaa lagu dilay 21 alshabaab ah oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Cabdullaahi Cali Caraale

Hawlgalka labaad waxay dowladdu sheegtay inuu dhacay shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada masaajid cali-gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd hay’adda nisa waxaana lagu dilay 11 ka tirsan alshabaab iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa

weraarka afaraad waxa beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday weeraradii hore ee ka dhacay bur-caloow kuwaas oo iyagoo is aruursanayo la baabi'iyey dowladda waxay aminsan tahay in tirada khawaarijta ka soo gaaray howlgaladaan ay kor u dhaafayaan boqol qof waxayna weli aruursanayan meydadkooda iyagoo saakay keliya geeyeen deegaanka al-kowthar ee u dhow aadan yabaal meydadka 33 maleeshiyo 

Howlgalkan waxaa suurta geliyey xog dhameystiran oo ay heysay hay'adda sirdoonka ee nisa oo kaashaneysa saaxiibadeena caalamka oo aan ugu mahadcelineyno taageeradooda dowladda somaliya oo kaashaneyso shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go'an ciribtirka alshabaab dhalinyarada ay qaldeena waxay dowladda ugu baaqeysaa iney isasa soo dhiibaan si naftooda ugu badbaadsadaan howlgalkaan wadajirka ah

Post a Comment

0 Comments