Gabadh Dawo Ay Isticmaashay Muuqaalkeedii Wejiga Ay U Bedeshay Nin

Dhacdooyinka caalamka


 Gabadh gashaanti ah oo u dhalatay dalka shiinaha ayaa dhakhaatiirtu la wareersan yihiin xaaladeed oo mar kaliya is badashay ka dib markii ay qaadatay dawo ay u cunaysay xanuun hore ugu dhacay oo ah cudurada la iska dhaxlo laakiin xal u raadintii kaga sii darnaatay gabadhan oo da’deeda lagu sheegay lix iyo toban jir isla markaana lagu magacaabo nana waxa sida ay ku warantay jariirada (Daily Mail) ee ka soo baxda dalka Ingiriisku

Ku dhacay xanuun lagu magacaabo Anemia kaas oo ah xanuunada la kala dhaxlo sida jariiradu sheegtay waxa ay dhakhaatiirtu kula taliyeen gabadhaas yar in ay si joogto ah u qaadato kiniino ama dawooyin lagula tacaalo xanuunkaas nasiib daro gabadhan yari markii ay qaadanaysay dawadii loo qoray ayaa mar kaliya xaaladeedu isu badashay nooc kale oo aan la filayn ama aan la malaysan karayn

Waxa gabadhaasi yeelatay gadh isku jooga iyo timo fara badan oo sida raga oo kale ka soo baxay wajiga iyo meelo badan oo jidhkeeda ah kuwaas oo si xawli ah isu tarayay marba marka ka danbaysa ilaa heer muuqaalkeedu isu rogay nin gadh madoobe ah oo kale dhakhaatiirtii dawaynayay gabadhan yar ee reer Shiine ayaa la anfariiray sida muuqaalkeedu isku badalay 

Waxaanay ilaa wali u qaadan laayihiin sababta dawadii loo siiyay in ay nolosheeda ku badbaadisaa isugu badashay mid ku abuurtay xanuun cusub oo badalay nolosheeda iyo muuqaalkeeda oo dhan dhinaca kale waalidka dhalay nana ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhoodu markii hore ee ay qabtay xanuunkii anemia ay ahayd mid fir fircoon oo dad dhex gal leh 

Si caadiya oo dabiiciyana u nool laakiin wixii ka danbeeyay intii muuqaalkeedu is badalay nolosheedu oo dhan noqotay oo gooni joog ku danbaysay gabadhan ayay dhakhaatiirtu wakhti xaadirkan sheegayaan in xanuunkii hore ee hayay uu ugu biiray xanuun cusub oo lagu magacaabo (Hires-Suits) kaas oo ah xanuun sababa timo xad dhaaf ah oo qofka gabi ahaanba ku dahaadhma si aan caadi ahayna uga soo baxa meel kasta oo jidhka qofka ka mid ah

Post a Comment

0 Comments