Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii buulaburte iyo jalalaqsi oo la geeyay cisbitaalada magaalada muqdisho

Alshabaab


Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay galinkii dambe ka dhacay magaalooyinka buulaburte iyo jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa la geeyay magaalada muqdisho waxaana qaraxyadaasi ku dhintay masuuliyiin iyo dad shacab ah 

Dhaawacyada la geeyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney ahayeen 17 ruux oo ahaa dadka dhaawacyada daran ay kasoo gaareen qaraxyada ka kala dhacay buundada buulaburte iyo degmada jalalaqsi agaasimaha hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka cabdirashiid maxamuud xasan ayaa dhaawacyada uga hortagay garoonka aadan cadde

Isagoona sheegay in dadkaan ay ahaayeen kuwo qabay dhaawacyada daran islamarkaana xaaladooda caafimaad lagula tacaali doono isbitaalada ku yaala magaalada muqdisho wuxuu intaasi ku daray agaasimaha hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka in dadka xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayo in loo qaadi doono dalka dibaddiisa

Taasina ay masuuliyad ka saaran tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalooyinka jalalaqsi iyo buulaburte ayaa lasoo warinaya iney ku dhinteen dad gaaraya 15 ruux oo isugu jiray masuuliyiin  iyo dad shacab ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30 ruux

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in burburinta buundada ay uga gol leeyihiin inay ku hakiyaan duulaanka ka dhanka ah iyaga ee ka socda gobollada dhexe kuwaas oo lagu doonayo in lagu ciribtiro alshabab oo dalka geliyen marxaldo kala duwan iyagoo laayeen caruur iyo maato aan waxba galabsan haddane la joogo waqtigii la iska qaban lahaa kooxdaan arxan darada sh

Post a Comment

0 Comments