Dowladda mareykanka oo taageertay kacdoonka ka dhanka ah alshabab iyadoo baaq u dirtay qabiilada kale

 

Mareykanka iyo Somalia

 Danjiraha mareykanka u qaabilsan arimaha soomaaliya Larry Andre oo ka hadlayey howlgallada ka socdo dalka ayaa soo dhoweeyey kacdoonka ka dhanka ah al-shabaab ee haatan ka billowday koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya larry andre ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay taageereyso shacabka soomaaliyeed ee howlgalka qaybta ka ah & ciidanka xoogga dalka si looga adkaado kooxda al-shabaab

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka haatan ka socda gobolka Hiiraan wuxuuna sheegay in ay culeyska lagu fiirsaday hal beel oo kaliya isaga oo intaasi ku daray in beelaha kale ee degan gobolkaas ay indhaha ka fiirsanayaan dagaalka socda sida uu hadalka u dhigay safiirka mareykanka ayaa guud ahaan qabaa’illada soomaaliyeed ku booriyey in ay iska kaashadaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dagaalka al-shabaab

Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo ma midnimadooda ayay muujinayaan mase waxay muujinayaan inay yihiin qaran soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan oo aysan iyagu dagaalka gelin Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dal ayaanu leenahay dhammaanteen ayuu yiri

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ka qayb qaata dagaalka al-shabaab wuxuuna ciidamada huwanta ka taageeraa dhanka cirka isaga oo duqeeyo kooxda al-shabaab si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray howlgallada ka socda dalka sida ay shaacisay dowladda federaalka soomaaliya

Post a Comment

0 Comments