DFS oo digniin u dirtay nootaayooyinka ka shaqeeya magaalada muqdisho kuwaasoo la shaqeeya alshabab

 

Nootaayooyinka muqdisho

 Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya ayaa ku amartay nootaayooyinka magaalada muqdisho inaysan xogta shacabka ay dhulalka u kala wareejiyaan u gudbin karin al-shabaab nootaayooyinka muqdisho ayaa lagu yaqaan inay xogta dhulalka iyo guryaha la kala iibsado siiyaan al-shabaab kuwaas oo kadib soo waca shacabka kuna qasbay inay lacag cabshuur ah ka bixiyaan

Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka waxaa soo gaartay cabasho ka timid qaar ka mid ah dadweynaha soomaaliyeed kuwaasoo ka cabanaya in qaar ka mid ah nootaayooyinka magaalada muqdisho ay xogtooda la wadaagaan ururada argagixisada sida Khawaarijta Al-Shabaab taasoo ah fal dembiyeed weyn ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda

Bayaanka ayaa intaas ku daray haddaba wasaaraddu waxay u gudbisay hay’adaha amniga qaranka cabashooyinka muwaadiniinta soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas wasaaradda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku qeexan xeerka nootaayooyinka waxay ruqsadda kala noqoneysaa nootaayooyinka lagu helo fal-dembiyeedyo lid ku ah sharciga

Wasaaradda ayaa ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta macaamiishooda oo ay la wadaagaan argagixisada tahay fal-dembiyeed weyn oo xad-gudub ku ah shuruucda iyo dastuurka dalka, falkaas oo noqonaya gacan-siin ama la-shaqeyn argagixiso oo cad qof kasta oo lagu helo gacan-siinta argagixisada wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku qeexan Xeerka Ciqaabta soomaaliyeed (XCS) iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay

Wasaaaraddu waxay ogeysiinaysaa dhammaan muwaadiniinta soomaaliyeed ee la kulma tacadiyo ku aaddan in xogtooda lala wadaago argagixisada ay si toos ah ugu soo gudbiyaan cabashadooda wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka xukuumadda JFS si wax loogu qabto 

Post a Comment

0 Comments