Qalab Jinka Ka Saaraya Guryaha Ayaa Laga Soo Saaray Dalka Thailand

 

Dhacdooyinka caalamka

 Shirkad laga leeyahay dalka Thailand ayaa shaacisay qalab cusub oo ay ku doodayso inuu jinka ka saarayo guryaha waxaanay shirkadu qalabkeedan cusub ku soo bandhigtay caasimadda dalkaas ee bangkok shirkadan reer thailand oo lagu magacaabo bondi ayaa qalabkeedan cusub ee jin saarka ah si dhamaystiran uga hadashay faah faahina ka bixisay adeegyada uu qaban karo ee jin saarka iyo la dagaalanka rooxaanta sida ay shirkadu ku andacootay

Qalabkan cusub oo lagu magacaabo ama shirkadu ugu magac dartay “Trisaksri”, ayaa sedkiisa isku dhan ee awooda u leh inuu jinka iyo rooxaamaha ka saari karo guryaha ay shirkadu qiimihiisa ku sheegtay kun iyo shan boqol oo dollarka maraykanka ah in kastoo shirkado tiro badan oo ka jira dunidu ay soo bandhigeen qalabyo lagu sheegay inay jinka ka saari karaan guryaha awoodna u leeyihiin hadana lama sheegin cid ka iibsatay iyo wax suuq ah oo uga soo kordhay 

Sida warbaahinta dalka thailand intooda badani ku warameen qalabka shirkadani samaysay oo aan laga garan sameecadaha waaweyn ee cod baahiyayaasha ayaan ilaa wali cid iibsatay oo cadayn karta awoodoodu aan la hayn shirkada ayaa sheegtay oo kale inay wax ka badal ku samaysay moodeelkeedi kan ka horeeyay oo jiilkeedan cusubi noqonaya kii labaad

Laakiin ma jirto wax tafaasiil ah oo shirkadu fagaaraha soo dhigtay ama dadka wax iibsanaya si gaar ah ugu qancinayso oo cadaan ah inta badan waddamada ay ku nool yihiin dadka aan diinta aaminsanayn ayaa ka cawda jiman iyo rooxaamo dhibaato ku keena oo guryihii ka qabsaday waana sababta ay shirkado kala duwani u hungureeyeen inay ka faa’iidaystaan suuqaas mala awaalka ku dhisan ee aan xaqiiqadiisa la hayn

Shirkadan reer thailand ayaa ku doodaysa in qalabkeedan cusub ee [Trisaksri 2.0] awood badan leeyahay kuna shaqaynayo koronto u dhiganta 220 volts taas oo jinka iyo rooxaanta raadsanaysa kuna duqaynaysa madaafiic iyo baaruud aanay dadku maqli Karin laakiin ay ogaan karaan dhibaatada uu gaystay iyo inta uu ka dilay noolayaasha aanay aadamiga indhahoodu qaban Karin

Post a Comment

0 Comments