Madaxweynihii hore ee hirshabelle ayaa ka markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonka ka socda hirshabelle gaar ahaan hiiraan iyo galgaduud

 

Maxamed cabdi waare

 Madaxweynihii hore ee DG hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyay in shacabka Somaliyeed ay bilaabeen kacdoon ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab waare ayaa waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey idaacadaha ka howlgala magaalada muqdisho wuxuuna sheegay in uu taageersan yahay kacdoonkan shacabka dalka loogu xureenayo kooxdan xagjiriinta ah ee alshabaab si looga xureeyo dalka oo dhan iyagoo garab ka helayaan dowladda federaalka somaliya 

Waare ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay la dhacsan tahay dadka deegaanka isla markaana qof kasta uu awood u yeeshay in uu abaabulo bulshada horraantii 2008 ayaa la isku dayay in dalka laga saaro alshabab si guul weyn loo gaadho. nasiib darro kacdoonkaas bilawga ahaa ma guulaysan sababta oo ah dawladda wakhtigaas aad umay taageersanayn dareenka shacabka ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab kuma sii faafin gobollada kale ee dalka

Madaxweynihii hore ee hirshabelle ayaa waxa uu tilmaamay in tani ay tahay in laga faa'ideysto inta ay shacabka dhiigooda uu kacsan yahay dalkane loogu xureeyo shan sano ka dib markii ay dhibaatooyin soo wajahday kooxda alshabaab dalka ka geysteen qaraxii weynaa ayaa sidaan oo kale shacabka u kaceen laakiin wax fahmo ayey waayeen lakiin dowladdan fursadaan yeysan dayicin markale ma soo mari doonto ayuu yiri 

Waare ayaa ku nuuxnuuxsaday in aanay dagaalkan ahayn hindise dawladeed balse ay tahay hindise dadwayne dowladda kaliya waxaa laga rabaa in ay taageero wuxuu kaloo sheegay in qabaa'ilka qaar aysan soo gelin dagaalka haddii Puntland iyo Somaliland ay ka qayb galaan dagaalkan wuxuu noqonayaa mid alshabab lagu sii jebiyo meel ay ka baxsadaana ay waayaan wuxuuna tilmaamay in uu ugu dambayntii soo dhawaaday dhalanteedkii rabitaankaas ahaa in alshabaab laga takhaluso noloshooda

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in markii ugu horeysay la caddeeyey in kooxdan alshabaab ahi ay sida maafiyada oo kale ay u shaqeeyaan isla markaana aanay jirin wax cudur daar ah oo aan diin iyo islaam toona lahayn markaa tani waxay ugu dambeyntii noqotay mid aad u cad xukuumaduna waxay u adeegsanaysaa dareenkaas iyo qiiradaas bulshada dhexdeeda ah inay kula dagaalanto alshabaab ayna dalka oo dhan ku xureyso ayuu yiri 

Post a Comment

0 Comments