Maxaa Ku Cusub Caafimaadka? Khuuradda Iyo Hadridda Hurdada

 

Dhacdooyinka caalamka

 Hurddadu waxay ka mid tahay waxyaabaha Alle (SW) inoogu deeqay isla markaana la’aanteed nolosha aadamigu ay halis caafimaad la soo daristo hurdada waxaynu kaga nasanaa hawsha iyo tacabka maalintii waxaanu jidhku ku samaystaa waxyaabaha uu iskaga difaaco duruufaha sidoo kale waxay hurdadu u tahay qaybaha dheef-shiidka jidhka mid uu si wanaagsan ugu shaqeeyo dhinaca kale maskaxda ayaa iyaduna uga faa’iidaysata inay ku xaliso wixii khaladaad ah ee soo waajahay intii qofku soo jeeday

Haddaba hurdo la’aan waxa aadamigu isla wada qirsan yahay in aanay nololi jirin oo nolol la’aan tahay hasa yeeshee Hurddada lafteeda iyo sida uu qofku u seexdo ayaa iyaguna noqday kuwo su’aalo ka taagan yihiin sidoo kale waxa la ogaaday qofku sida uu yahay muddada uu gama’san yahay in xaaladiisa caafimaad laga saadaalin karo

Cilmi baadhis caafimaad oo muddo dhawr sanadood ah ay samaynayeen khabiiro ka socda jaamacada lagu magacaabo University of Pittsburgh ee dalka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in dadka ku khuuriya hurddada iyo kuwa ku hadra ama sida kadiska ah u toosaa ay halis u yihiin xanuunada ku dhaca wadnaha 

Baadhitaanka oo socday saddex sanadood laguna eegay dad boqolaal qof gaadhaya oo si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay oo da’doodu u dhaxaysay 35 ilaa 75 jir ayaa lagu ogaaday in 80% dadka khuuriya marka ay hurdaan ay halis ugu jiraan amaba qabaan cudurada wadnaha balse aanay ogayn sida cilmi baadhistani sheegtay qofka sida xad dhaafka ah u khuuriya marka uu hurdo waxaa jira in dhiigiisu dufan badan leeyahay isla markaana maskaxdu daal dareemayso

Waxa kale oo dhibaato qofkaas ka haysataa qaadashada oxygen-ta hawada loo yaqaan oo wareega dhiigu aanu ka maarmi karin sida ay sheegtay madaxa cilmi baadhistan hogaaminaysay oo lagu magacaabo wendy troxl inta badan dadka khuuriyaa waxay u badan yihiin kuwo 30-daqiiqo markay hurdaanba ay kala go’do hurddadoodu waxaana taas ugu wacan wareega dhiiga ee maskaxda gaadha iyo xidhiidhka wadnaha oo kala go’aya taasina ay keeni karto inuu qofku sidii wax neef qabatoobay oo kale uga boodo Hurddada

Dhinaca kale dadka hadra ayaa iyaga laftoodu halis ugu jira xanuunada wadno xanuunka iyo macaanka waxaana sababta lagu sheegay in dhiigooda ay ku yar tahay glucose-ta maaddada loo yaqaano ee dhiiga macaanka galisa taas oo marka ay yaraato qofku dareemo dhacsanaan wadnaha ah maskaxda iyo wadnaha xidhiidhkooduna kala lumo oo ay bilaabanto in maskaxdu hadalo iyo dhawaaqyo aan sax ahayn soo tuurto

Cilmi baadhistan ayaa ku talinaysa in dadka khuuriyaa ku dedaalaan inay hurddada ka hor sameeyaan jimicsi kuwa hadraana ay isticmaalaan waxyaabo kor u soo qaada dhiiga oo khudaartu u badan tahay ama vitamin-da qaarkood wakhtiga hurddada waxa laga yaabaa haddii qofku u seexdo dhinaca dhabarka inuu khuuriyo laakiin haddii aanay ahayn mid joogto ah oo aad u dheer dhibaato badani kuma jirto sida cilmi baadhistani cadaysay

Post a Comment

0 Comments