Taliyaha ciidan xooga dalka ayaa ka hadlay qaraxii ka dhacay xerada dhega-badan

 

Odowaa yuusuf raage

 Taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore xerada general dhaga-badan oo ku taalla warshaddii hore ee nacnaca ee wadajir

Odowaa ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa islamarkaana uu dhex tegay dhalinyaro isku diiwaangeliyey ciidanka Xoogga Dalka taliyaha ayaa xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo ka mid ah dhalinyaradii ku sugneyd goobta

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay qaadayaan tallaabo culus islamarkaana sameyn doonaan baaris dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas si macluumaad looga helo qofka iska qarxiyey iyo sida ay ugu suuragashay weerarkaas oo uu la beegsaday mid kamid ah xeryaha dowladda xerada dhaga-badan ayaa waxaa lagu tababaraa dhalinyarada dooneysa inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

Kuwaas oo lagu sii carbiyo xeradaan oo dhowr jeer oo hore la weeraray weerarkaan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada wuxuu haatan ku soo aaday xilli todobaadkii hore ay qaraxyo ka dhaceen zoobe

Post a Comment

0 Comments