Khubaro Reer Galbeed Ah Oo Timirta Ku Tilmaamay Mucjiso Aan La Qiyaasi Karin Faa’iidadeeda

Dhacdooyinka caalamka

 Timirtu waxa ay ka mid tahay Macmacaanada dabiiciga ah gaar ahaana bahda khudrada la raaciyo waxaanay ka mid tahay cuntooyinka sida gaar ah bisha barakaysan ee ramadaan loo isticmaalo ee ugu mudan cuntooyinka ugu horeeya ee lagu afuro asal ahaan waa midho ka baxa dhulka kulul ee carabta waan geed barakaysan oo faa’iidooyin badan aadamiga u leh waa midho lagu noolaan karo muddo dheer sababtoo ah? marka laga eego isku dheeli tirnaanteeda cunto ee ay ka kooban tahay

Timirta oo ka mid ah midhaha barakaysan ee diinteenu sheegtay wax tarkeedana aan la soo koobi karin laakiin arrinta xiisaha leh ee aynu qormadeenan ku soo qaadan doono ayaa ah cilmi baadhis caafimaad oo khubarada caafimaadka iyo cuntooyinka ee reer galbeedku ku sameeyeen taas oo si wayn uga marag furtay wanaaga iyo wax tarka ay aadamiga u leedahay sida wakaaladaha wararka dunidu qoreen Khabiiro Caafimaad oo ka socda jaamacada iyo xarumo cilmi baadhiseed oo waddamada reer galbeedka u badan ayaa sameeyay daraasad ay timirta iyo faa’iidooyinka jidhka aadamigu ka helo ku saabsan

Sida daraasadani tilmaantay timirta ayaa marka qofku cuno degdeg jidhkiisa ugu soo celisa fiitamiinadii macdantii iyo quwadii ka luntay waxaanay tahay shayga ugu wanaagsan ee qofku kaga soo kaban karo awood daradii soonku ku keenay khubaradan reer galbeedka ah ee cilmi baadhista timirta sameeyay ayaa aad uga yaabay mucjisada ku jirta tiradda kinsiga ah oo ah tirada dhiman ee nabigeeni subanaa (NNKHA) inoogu sheegay axaadiista sida sadex xabbo todoba iyo shan midh marka laga cuno

Daraasadan ugu danbaysay ee mucjisada timirta laga diyaariyay ayaa si gaar ah loogu darsay faa’iidada jidhku ka heli karo sadex xabadood oo timir ah marka qofku cuno waxaanay natiijadii ka soo baxday noqotay mid ka yaabisay dadkii baadhitaankan cilmi samaynayay ee badankoodu aan muslimka ahayn sida natiijadaasi tilmaantay sadex xabbo oo timir ah marka qofku cuno waxa uu jidhkiisu helaa macdano badan oo caafimaad ahaan u wanaagsan waxa kale oo laga helaa tiraddaa dhiman ee sadexda xabadood ah fiitamiinada ugu muhiimsan ee jidhku u baahan yahay gaar ahaan fiitamiin b-ga oo indhaha iyo meelo badan oo jidhka ahi u baahan yihiin

Marka laga tago fiitamiinada iyo macdanaha jidhku u baahan yahay ka sakow timirtu waxtar u leedahay dheef shiidka tusaale ahaan xiliga afurka ee cuntada ugu horaysa qofka soomani caloosha geliyo waxa dufanka saliida iyo macaanka badan ee cuntooyinku sababaan dawakhaad iyo habayac laakiin sadex midh oo timir ah marka laga horaysiiyo waxay ka caawiyaan dhibaatada cuntooyinkan badan ee uu degdega u cunay iyo cabitaanadu ku keeni lahaayeen

Waxa kale oo sadexda xabo ee timirta ah ee afurka lagu bilaaba si wayn u caawiyaan dheef shiidka waxaanay yareeyaan calool ololka iyo calool istaaga cunto yaraanta soonku keento ugu danbayn waxa ay daraasadani tilmaantay faa’iidooyin badan oo caafimaad oo dhamaan qaybaha kala duwan ee jidhka ay u leedahay quudashada timirtu gaar ahaana tiradda dhiman ee kinsiga ah, ee diinteenu inoo sheegtay

Post a Comment

0 Comments