Baadhis Maraykanku Sameeyay Oo Caddeysay In Toontu Tahay Dawada Keliya Ee Beer Subagga (Cholesterol)-ka

Dhacdooyinka caalamka

 Cilmi baadhistii caafimaad ee ugu danbaysay ee baadhayaasha caafimaadka aduunku sameeyaan ayaa lagu ogaaday in toontu ka hor tag iyo dawo labada u noqon karto cudurada wadno xanuunka iyo duxda dhiiga gasha ee (Cholesterol)-ka afka qalaad loogu yeedho cilmi baadhis caafimaad oo ay sameeyeen baadhayaal caafimaad oo ka tirsan jaacamadda california ee dalka maraykanka ayaa si cad u bayaamisay faa’iidada balaadhan ee toontu leedahay

Waxaana cilmi baadhistan oo ay ka qayb galeen shan iyo konton qof oo wadno xanuun iyo beer subag ku dhacay kuwaas oo markii ay Toon Saafi ah oo muddo la siiyay ka dib si wayn caafimaadkoodu isu badalay sida wargeysyada arrimaha caafimaadka ka warama ee dunida oo xiganaya cilmi baadhistan caafimaad ku warameen 55-ka qof ee bukaanka ah ee cilmi baadhistan caafimaad ka qayb galay ayaa isugu jiray, afartan jir ilaa shan iyo todobaatan jir

Waxaanay ahaayeen dhamaantood kuwo wadno xanuun iyo cholesterol wada qaba waxaana sida baadhitaanka caafimaad ama daraasadan lagu sheega loo kala qaybiyay labo kooxood oo kooxna toon saafi ah maalin walba la siinayay halka kuwa kalana dawooyinka wadno xanuunka iyo waxyaabaha lagula tacaalo ee kale ay ka isticmaalayeen muddo sanad ah oo maalin walba 2400mgr oo toon saafi ah markii ay dadkii bukaanka ahaa ee kooxdii toonta lagu tijaabinayay qaateen ayaa natiijadii ka soo baxday mucjiso ku noqotay baadhayaashii daraasadan waday ee reer Maraykan

Sida uu madaxii cilmi baadhistan toonta ee jaamacada California ku waramay bukaanadii toonta maalin walba isticmaalay ayaa boqolkiiba sideetan ka caafimaaday beer subagii ama cholesterol-kii waxa kale oo 90% boqolkiiba sagaashan isna heerkiisu hoos u dhacay wadno xanuunkii iyo xinjirihii halista dhiiga ku hayay professor ted ayaa tilmaamay in Toontu tahay shay madbakh kasta iyo guri walba laga helayo qiimaheeduna jaban yahay faa’iidadeeduna aad u sarayso oo sida uu xusay mucjiso Rabaani ah uu ku tilmaamayo

Cilmi baadhistan caafimaad oo muddo labo sanadood ah koox baadhayaal caafimaad ah iyo bukaano shan iyo konton qof ahi ka wada qayb qaateen ayaa natiijadii ka soo baxday si wayn u cadaysay faa’iidada toontu u leedahay guud ahaan caafimaadka aadamiga gaar ahaana xanuunada wadno xanuunka iyo beer subaga ama cholesterol-ka sida cilmi baadhistan lagu cadeeyay qof kasta oo ka cabanaya wadno xanuun ama duxda dhiiga ee cholesterol-ka gaar ahaan dadka ay xanuunadani ku cusub yihiin ama muddo kooban ka cabanayay

Waaxa u wanaagsan marka ay talada dhakhtarkooda qaataan inay si joogto ah maalin kasta u qaataan 2400grm oo toon saafi ah waxaana wanaagsan in haddii aanad qiyaastaas si fiican u fahmi waydo aad ugu badnaa hal xabo oo toon ah ku dhex ridato caagad biyo hal litir ah aad ku shubto marka ay ku milantana aad biyahaas cabto waxa kale oo aad uga sii fiican inaad cid aqoon u leh oo kaala talisa iyo dhakhtarada la kaashato si aanay dhibaato kale kuugu keenin qiyaastuna aanay kaa xumaan

Post a Comment

0 Comments