Aroosad yaxaas gacanta goostay oo xafladii aqal galkeeda sii wadatay

Dhacdooyinka caalamka

 Gashaanti u dhalatay dalka zimbabwe ee koonfurta Qaaradda Afrika ku yaala ayaa arin ka yaabisay dadka ku kacday ka dib markii yaxaas weeraray goostay gacanteeda midig waxaanay gabadhi go’aansatay inay iyadoo dhaawacaa aadka u culus qabta ay aqal gasho oo xafladu halkeedi ka socoto

Gabadhan oo lagu magacaabo Zanile Nadalovo ayaa iyadoo saygeeda la socota oo ay u diyaar garoobayaan xaflada aqalka arooskooda kuna sugan wabiga dhinaciisa uu yaxaas dad qaad ahi soo weeraray ka dibna uu biyaha kula dhex dhacay gurmad loo sameeyay ka dib waxa lagu guulaystay in laga soo rido bahalkaas qaatay

Hasa yeeshee waxa weerarkaa Yaxaaska ka soo gaadhay dhaawac culus oo sababay in todobaatan boqolkiiba gacanteedi midig ay ku waydo oo la jaro sidaana ay ku noqotay qof naafo ah oo ku curyaantay hujuunkaa yaxaaska in kastoo dedaal badan loo sameeyay oo dhakhaatiirtu la tacaaleen kaliya waxa ay ku guulaysteen inay badbaadiyaan nolosheeda

Laakiin ay sidaa ku gacan beesho taas oo noqotay xalka kaliya ee loo samayn karo gabadhan aroosada ahayd ee nasiib daradu ku habsatay zanile nadalovo ayaa markii ay soo miiraabtay ee suuxdintii ka baxday ninkeeda ka codsatay in aanu joojin xaflada arooskooda oo halkaa laga sii wado dedaal badan oo uu saygeeda oo lagu magacaabo jamie fox isku dayay inuu kaga baajiyo ayaa guul daro ku dhamaaday

Waxaanu ugu danbayntii ka ogolaaday in arooskoodu dhaco iyadoo dhaawacan oo xanuunka ka soo gaadhay qaniinyada yaxaaska qabta cudbi iyo goosna ku duuban yahay inta ka hadhay gacanteeda ee miciyaha yaxaaska ka nabad gashay

Kaniisad ku taala meel aan ka fogayn cusbitaalka ayaa loogu qabtay xafladii arooskooda, halkaas oo ay aroosadani timi iyadoo heeda dowga dhaawaca gacanteedu ka muuqdo farxada arooskeeduna hadheeyay waxaanu jawiga reerkani ku aqal galeen ahaa mid dareen ku reebay dadkii ku sugnaa

Post a Comment

0 Comments